26th July 2024  admin  Category :

Mas uu labo u kala gooyey ayaa qayb ka mid ah Maskii  qaniintay, oo halis gelisay naftiisa

Nin reer Texas ah ayaa khatar ay  gashay naftiisu ka dib  markii  uu qaniinay maska loo yaqaan rattlesnake.

Qaybta Cabsida leh: Maska wax qaniinay madaxiisa iyo jirka intiisa kale iskuma ool oo labo meelood ayeey  kala joogeen marka uu wax qaniinayo

Shilkani wuxuu ka dhacay meel u dhow Corpus Christi, Texas.

Ninka lagu magcaabo Milo Sutcliffe ayaa xaaskiisa ka caawinayey howl ay ka waday daaradda hore ee gurigooda markii ay halkaa ku arkeen mas.

Wuxuu soo qaatay Majarafad ama badeel (Shovel),  oo madxii maska uu  ka gooyey jirka maska intiisii kale, wuxuu u maleeyey inuu dilay xamaaratadii.

Laakiin markuu isku dayey inuu soo qabto  madax maska oo meel gaar ah yaala ,  madxii maska waa ku soo booday oo labo farood ayuu ka qaniinay  sida xaaskiisa Jennifer Sutcliffe u sheegtay  CNN

Jennifer and Milo Sutcliffe

Jennifer Sutcliffe , waxay sheegtay in ninkeedii weli Cisbitaalka ku jiro hase ahaatee uu hadda ka soo raynayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*