26th July 2024  admin  Category :

Maalmo ka dib markii gobolka Sanaag iyo Sool lagu sheegay in lagu muran san yahay ayaa gobolka Banaadir la siiyey Todoba Xildhibaan

Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta soo gabayabeeyay howshooda,iyadoo warbixinta ku saabsan Afarta Xeer ee loo xilsaaray u gudbin doonnaan Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Xeerarka ay ka soo shaqeeyeen ayaa waxaa ka mid ah kuraasta Aqalka sare ee la dhigay Gobolka Banaadir, taasoo noqon doonta markii u horeysay oo Gobolka Banaadir matalaad ku yeesho Aqalka Sare.

7 kursi oo lagu dooran doono hab qeybsita 4.5 ayaa la dhigay Gobolka Banaadir, kaasoo oa dheeri ah tirada hadda uu ka kooban yahay Aqalka Sare, waxaana meel marinta kuraastan u baahnaan doontaa wax ka bedel Dastuurka oo laga rabo Baarlamaanka Labada Aqal ku ansixiyo 3 meel labo meel.

Sidoo kale qeybinta 7-da kursi ayaa waxaa go’aan ka gaari doona Hoggaanka sare ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee Guddiga wadajirka ayaa soo go’aamiyay goobaha la dhigayo kuraasta Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*