26th July 2024  admin  Category :

Farmaajo oo Tarxiilkii Carabta ula baxay magac kale oo ah Daabulayn

In badan oo kamid ah dadkii laga soo celiyay Sacuudiga oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan dowladda Somalia ka caawin inay dalka kusoo noqdaan, balse ay ahaayeen tahriibayaal bilo iyo todobaadyo ku xirnaa dalka Sacuudiga.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in dalka ay ku soo celisay Soomaaliya oo ka gaaraya dhowr boqol oo qof oo ku xayirnaayeen dalka Sacuudiga kadib markii uu saameen ku yeeshay Covid-19, hase yeeshee waxaa muuqata in warkaas uu ahaa been abuur ay sameysay dowladda Somalia.

Qaar kamid ah shaqaalaha safaaradda Somalia ee magaalada Jeddah ayaa sheegay in aysan wax xog ah ka heynin dadkii la soo celiyay islamarkaana aan lagu soo wargelin ama aan la soo marsiinin nidaam sax ah oo la mid ah sidii looga soo celiyay dadkii ku xayirnaa dalalka Kenya, Turkiga, iyo India oo ay hadda socoto basle ay kawar heleen oo kaliya in dad badan dalkii lagu celiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*