18th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ka qayb galay shirka dib u heshiisiinta ah ee beelihii ku dagaalamay galbeedka Kismaayo

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay leedahay dhiiga qof Muslim ah oo macna daro lagu daadiyo, Dowaladuna ay dadaal badan ku bixin doonto sidii arinta loo dhameeyn lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland oo labbadiisa garbood ay taagan yihiin labba ugaas ayaa yiri “Labbada Ugaas waxaan rabaa anigaa masuul ah oo ilaahay maantay masuuliyad iga saaray inaan balan idinkula galo sidaan shalay mid walba gooni ugula hadlay howshaas in lasoo afjaro, dadkii la dhax galo, la dhax ordo, baadida la daayo dadkii la isku keeno, ardaalka aan iska qabano intaa balan maku galnay Alla hortiisa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*