29th March 2024  admin  Category :

Xildhibaan Lauren Boebert oo Ilhan Cumar ku tilmaantay “argagixiso”

Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay hadal ay jeedisay Lauren Boebert oo ay isku gole ka tirsan yihiin lagana soo doorto Colorado.

Muuqaal laga duubay Boebert oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa waxa ay si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan.

“Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ayaa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si degdeg ah kusoo galay askari walaacsan,” ayay tiri xildhibaankan looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog.

“Bidix ayaan eegay, kadibna waxaan arkay Ilhan Cumar. Waxaan tilmaamay in aysan wadan boorso [qarax sida] oo uu xaalku caadi yahay,” ayay u tiri si kaftan balse jees jees ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*