27th July 2024  admin  Category :

BF Oo Musuq-Maasuq Ku Helay Xukuumada Kheyre Iyo Gobolka Banaadir + $20 Milyan Oo La La’yahay

Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee  Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray warbixin xasaasi ah oo musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre iyo maamulka Gobolka Banaadir.
 Warbixinta guddiga soo saaray ayaa looga hadlay wax is daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda dalka laga soo bilaabo Janaayo illaa Agosto sanadkan.
Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in la la’yahay meel ay aaday 20 milyan oo ka mid ah 50 milyan oo dowladda Sacuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya, ayadoo xukuumadda ay soo gudbisay kaliya qarashaadka 30 milyan.
Guddiga wuxuu si gaar ah u soo jeediyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir laga hakiyo miisaaniyadda maaliyadeed, maadaama ay xatooyo ku kaceen.
Guddiga ayaa sidoo kale faray Hanti dhowrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud inay baaritaan ku sameeyaan hey’adaha dowladda ee sameeyay wax is daba marinta iyo in si qaldan loo maamulay habkii miisaaniyadda dalka.
Halkan hoose ka akhriso qeyb ka mid ah warbixinta Guddiga
20181119 122831 696x857
20181119 122831 696×857
20181119 122819 683x1024
20181119 122819 683×1024
20181119 122809 696x892
20181119 122809 696×892
20181119 122758 696x949
20181119 122758 696×949
20181119 122636 696x959
20181119 122636 696×959
20181119 122541 696x928
20181119 122541 696×928
20181119 122508 696x871
20181119 122508 696×871
20181119 122441 696x914

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*