
13th March 2025 admin Category :
Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in la la’yahay meel ay aaday 20 milyan oo ka mid ah 50 milyan oo dowladda Sacuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya, ayadoo xukuumadda ay soo gudbisay kaliya qarashaadka 30 milyan.
Guddiga wuxuu si gaar ah u soo jeediyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir laga hakiyo miisaaniyadda maaliyadeed, maadaama ay xatooyo ku kaceen.
Guddiga ayaa sidoo kale faray Hanti dhowrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud inay baaritaan ku sameeyaan hey’adaha dowladda ee sameeyay wax is daba marinta iyo in si qaldan loo maamulay habkii miisaaniyadda dalka.
Halkan hoose ka akhriso qeyb ka mid ah warbixinta Guddiga







