15th July 2026  admin  Category :

Weerarka lagu qaaday Jubaland iyo midka hadeer ee Koonfur Galbeed waa kuwo u baahan in si dhaqso ah looga falceliyo, loogana hortago. Madaxwaynaha maalmaha kooban u harsan tahay ee Xasan Shiikh, waa mid doonaya in dalka uu ku sii joogo xoog, wax doorasho ahna uusan qaban.

Maamulada Jubaland, Puntland iyo mucaaradka waa in si dhaqso ah ay u doortaan madaxwayne ku meel gaar ah si dalka looga badbaadiyo Xasan Shiikh. Maanta laga bilaabo Soomaali fadhi uma yaal, weeyna soo dhaaftay arrintii hadal iyo sheeko.

Maanta marka Baydhabo xoog lagu qabsaday, maxaa diidaya in maamulada kale sidaa iyo si lamid ah loo weeraro, waayoo Xasan Shiikh wuxuu ka helayaa Baydhabo qabsashadeeda dhiiranaan sida Trump markii uu soo qabsaday madaxweeynihii Venezuela Nicholas Maduro uu uga helay dhiiranaan, isagoona isku qaaday markiiba Kuuba iyo Iraan. Balse maanta waa mid faraha uu uga gubtay Iiraan.

Xasan Shiikh dalkan hadaan hadeer laga qaban waxuu ku celin doonaa dagaaladii qabiilka ku salaysnaa, weerarka Baydhabana waa mid Indhaha dadka u furaya. Damaca Xasan Shiikh uu ka leeyahay dalkaan ayaa ah sida Ismaaciil Cumar Geele, waana sababta mar walba uu u leeyahay Dastuurka lacagaa iiga baxday, inaan gudi doorasho samaysto lacagaa iiga baxday iyo in doorashada sida aan rabbo la iigu qabtana lacagaa iiga baxday.

Waxaa iyadana ayaan darro ah in dawladda Turkiga ay iyana noqotay mid aan dhedhexaad ka ahayn arrimha gudaha ee dalka, waxaana la soo warinayaa in qabashada Baydhabo ay gacan ka gaysteen Turkiga. Hadii taas ay dhab noqoto, Turkiga wuxuu waayi doonaa taageerada in badan oo ka mid ah Soomaalida. Wuxuuna u muuqanayaa mid la yimid siyaasadaha gumaystayaasha ee aheed kala qaybi oo xukun.

Ugu danbaytii Xasan oo dalka sii jooga waxeey dhaawac aad u weeyn ku noqon doontaa midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana dalka uu noqon doonaa mid lagu sii kala tago, faqriga iyo burburkana waa mid laga dareemi doono guri kasta. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*