26th April 2024  admin  Category :

Dhismaha Xarunta la dagaalanka iyo la socoshadda Ayaxa ee Puntland oo maanta si rasmi ah loo daah-furay.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka Dawladda Puntland Cabdirashiid Geelle ” Xaruntaan wax wayn ayay ka tari doontaa La dagaalanka Ayaxa”

Dhismaha Xarunta la dagaalanka iyo la socoshadda Ayaxa ee Puntland oo maanta si rasmi ah loo daah-furay. Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa maanta si rasmi ah looga daah-furay dhagax dhiga dhismaha xarunta la dagaalka Ayaxa iyo la socoshaddiisa, waxaana ka qayb-galay Maamulka Degmadda Qardho iyo Kan Gobolka Karkaar, Masuuliyiinta Wasaaradaha Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada ee dawlada Puntland iyo wasiirka Beeraha iyo waraabka DFS iyo Masuuliyiin kalle.Dhismaha Mashruucaan waxaa ku guuleystay Shirkadda Habays Construction Company, waxayna u dhisi-doontaa xaruntaan hab casri ah, Sidoo kalle dhismahaan ayaa la rajaynaynaa in dhawaan lasoo gaba-gabeeyo.

Masuuliyiinta Dawladda Puntland ayaa Bogaadiyay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo sidii degdeg loogu dhisi-lahaa xaruntaan juhdi iyo dadaal geliyay.Kusimaha wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL Mudane,Cabdirashiid Cali Geelle iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Marwo Seynab Ismaaciil Maxamed “Tiimbiye” oo ka hadlay bilaabista dhagax dhiga xaruntan ayaa sheegay in wasaaraddu ay sidhow ula socon doonto fulinta shaqadan iyo inLa dhiso xarun wayn oo Soomaaliya oo dhan u noqota xarunta la dagaalanka iyo la socoshada Ayaxa taas oo ay hubin doonaan tayada dhismaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*