13th May 2024  admin  Category :

Jigjiga: Ururka ONLF ayaa ka hadlay xasuuq loo geeystay shacabka Soomaaliyeed ee degan aaga Canfarta. Hadaba ururka ONLF ayaa sheegay in aysan suurtagal aheen in qaarkeen ay nabad ku seexdaan, meesha qaarka kallana la xasuuqayo. Waxaa ay ugu baageen in maamulka dawlad deegaanka ay arrintaas wax ka qabtaan si loo soo afjaro arrintan soo socotay sanadihii ugu danbeeyey.

Hadaba, deegaanada Canfarta la hoos geeyey oo awal ka tirsanaa maamulka Soomaalida ayaa kala ah Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaan jiray dhulka Soomaalida Itoobiya, balse tan iyo markii la hoos geeyey dadkaas maamulka Canfarta waxaa dhacayay rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Muqdisho: Ururka argaggixisada ayaa lacago badan oo baad ah ka qaada inta badan ganacsiyada Soomaalida ay leeyihiin. Lacagtaas ayaa ah mid aad u fara badan, waxeeyna ka badan tahay mida dawladda federaalka ay ganacsatada ka qaado. Sidee ayeey argaggixisada ugu suurta gashay ineey waxaas oo lacag ah ay dadka xoog uga qaadaan? Sidee wax looga qaban karaa? Muuqaalka hoose kaga boggo arrintaas.

Masar: Shirkadda diyaaradaha ee Masar iyo dawladda Gaana (Chana) ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku aadan sidii loo abuuri lahaa shirkad diyaaradeed oo ay yeelato dawladda Chana, taas oo ay qeeyb ka tahay Masar. Heshiiska Masar iyo Chana ayaa ay tahay in la horgeeyo baarlamaanka Chana si ay u ansixiyaan.  

Dawladda Chana, ayaa sanadkii 2018kii la gashay heshiis is afgarad ah shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, balse heshiiskaa ayaa noqday mid burburay kadib markii la isku afgaran waayey dariiqyada diyaaradda ay ka shaqeeyneeyso, maalgelinta shirkadda diyaaradaha ay Chana yeelaneeyso iyo inta ay soconeeyso maamulida shirkadda diyaaradaha ee Itoobiyaanka.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda Chana ayaa dooneeysa ineey xooga saarto wadamada ku yaal Geeska Afrika .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*