8th May 2024  admin  Category :

Haddii Muqdisho Caasimad Soomaaliyeed tahay maxaa loogu xusi waayey ama xarumaha ku yaala loogu magac dari waayey halyeeyaddii Soomaaliyeed: sida kuwii u soo halgamay Xornimada, Isimaddii caanka ahaa ee taariikhda Soomaalida saamaynta ku lahaa , Siyaasiyiintii dalka soo martay oo nolosha dadka Soomaaliyeed wax ka bedeshay sida kuwii wax baray, kuwii ceelal iyo wadooyin u dhisay , abwaanaddii Soomaai soo maray oo aynu suugaanta ka dhaxalnay ama ka baranay, Hoboladdiiina dhiiro gelin jiray waqtiyada adka sida dagaalkii 1977 , Hooyooyinkii Bulshada wax u soo qabtay iyo Dhalinyaradii kuwii ku dhintay dagaalada iyo kuwii ku dhintay ololihii afka Soomaaliga iyo Carabiga ay umadda Somaaliyeed barayeen oo ay halista u mareen

Haddii Allah ha u naxariistee Siyaad Bare uu askarigii ku dhintay dagaalkii 1964 uu uGu magac daray Xarun ku taal caasimadda Muqdisho oo ilaa manta umadda Soomaaliyeed ay wada yaqaaniin magaca Xalane , waa maxay sababta Taliyashii ciidanka Booliiska soo maray, kuwii Ciidamada ilaa manta loogu magac dari waayey xarumo ku yaala caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Haddii Allah ha u naxariistee uu madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho uu ugu magac daray Aadn Cade . Maxay tahay sababta Madaxweynayaashii kale ee Soomaali soo maray loogu magac dari waayey xarumo ku yaala Muqdisho

Haddii maanta la doonayo in RW Nuur Cade xarun Muqdisho ku taal loogu magac daro maxaa diidaya aan ka ahayn Qabyaalad in RW Cigaal isagana Xarun Muqdisho ku taal loogu magac daro.

Labo Bilood gudahood in Allah u naxariistee Duqii hore ee Muqdisho labo xarumood O Muqdisho ku yaal loogu magac daro oo la iska indho tiro ama la xaqiro taariikhda kale ee umadda Soomaaliyeed LAHAAYEEN , Muqdisho Casimad la wada leeyahay kuma sii ahaan doonto

Image may contain: 1 person, smiling, text that says '1974 Batulo nuur waa gabadhii beerteedi dhaxalka ahaa u hibeeysay dadkii lagasoo raray abaarti dabadheer ku dhufatay gobolada Waqooyi, Mudug iyo Bari waxay ahayd wadaniyad aan taarikhdeeda la sheegin. Abdi Colleotion ©Abdi'

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*