25th October 2024  admin  Category :

Qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed  ayaa u arka in beesha Daarood ay ahaayeen  gumayste gumeesanayey beelaha kalle ee Soomaaliyeed. Tusaale, beesha Hawiye ayaa u arka General Caydiid inuu ahaa halyeey gumeeste Daarood ka xoreeyey Muqdisho.

Gumeesiga ma ahan wax sahlan, laakiin si dadka loogu Awr kacsado ayaa dhagaha loogu sheegay gumeesi in laga xoreeyay.

Dawladdii Daaroodka uu hoggaaminayey iyaga ayaa ku dulmanaa sababtoo ah qofka kasta oo Daarood ah waxaa la yiri waa inaad dhakhtarka Muqdisho u timaadaa, Jaamacdda u timaadaa Muqdisho, baasaboorka iyo diyaarada aad u soo raadsataa Muqdisho iyo wax kasta oo uu qofka u baahnaa.

Balse, Daarood inuu gumeeste ahaa iyo in kalle waxaa u marqaati kacday magaalada Muqdisho kadib markii kuwii lahaa gumeestaha ayaan kaa xoraynaynaa  ay sida aboorkii kor iyo hoos uga dhax baxeen, dhiigii ka billawday daadintiisa Muqdisho 1991dii waa mid la istaajin la’yahay illaa waqtigan.

Hadaba, heestan amaanta ah waa mid lagu amaanayo dadkii dabka maanta gubanaya shiday? Miyeeysan mudneen in Daarood loo duceeyo maanta?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*