28th March 2024  admin  Category :

Illaa sannadkii 2007dii, waxaa jirey ciidamo ka socday AMISOM oo ka soo deggaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo u socda ineey amni darrada jirta ay ka caawiyaan dawladda. Magaalada Muqdisho, waa mid soo martay waqtiyo aad u adag oo amni darro ah. Amni darrada Muqdisho ay soo martayna waa mid ay mas’uul ka yihiin beesha waqtigaan gacanta ku heeysa magaalada Muqdisho oo aan xil iska saarin.

Hadaba, maalmahan waxaa jiray shirar lagu qabanayey magaalada Muqdisho oo looga hadlayey Maqaamka gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Federaalka. Waxaadna arkeesaa odayaal iyo aqoonyahno ka mid ah beelaha ku abtirsada USCda oo arintaas aad isugu mushquulinaya. Hase ahaatee, su’aasha meesha taal waxeey tahay ma tahay waqtigan mid ku haboon in la isku mashquuliyo maqaamka Muqdisho ay yeelaneeyso?

Magaalada Muqdisho waxaa ka jira amni xummo baahsan, waxaana jirra qaraxyo dhaca, dilal qorsheesan iyo ciidamo ajnabi ah oo illaaliya meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho. Hadaba, odayaasha iyo aqoonyanada beelaha ku abtirsada USCda miyeeysan habooneen ineey xooga saaraan sidii looga shaqeen lahaa amniga magaalada Muqdisho oo ah mid aan cago badan ku taagneen?

Amni darrida jirtana waa midda sababtay  in dawladda aysan u shaqeen karin si xor ah, balse dawladdu waa mid ku shaqeesa cabsi. Maqaamka magaalada Muqdisho ay yeelaneeyso waa mid go’aan laga gaari karro mar kasta, laakiin meel aan amniba ka jirin maqaamka ay yeelaneeyso in la isku mashquuliyo waxeey la mid tahay qof xaqiiqad hortaal iska indha tiraya.

Waxaa dhab ah in amniga magaalada Muqdisho uu waqtigan muhiim u yahay dawladnimada dalka Soomaaliya iyo soo cellinta sharafta Soomaaliyeed maadaama Muqdisho ay tahay caasimadii dhameed ee mataleeysay dhamaan ummada Soomaaliyeed, waxaana dhab ah in amniga Muqdisho uusan Daarood, Isaaq, Yurubiyaan iyo AMISOM toona aysan waxba ka qaban karin, balse waxaa amniga Muqdisho wax ka qaban kara beelaha deggan.

Gabagabadii, Waqtigan magaalad Muqdisho umma baahna in amnigeeda laga hormariyo maqaamka ay yeelaneeyso, waxaana Muqdisho ay u baahantahay amni waara oo ay kaga maaranto ciidamada shisheeye, ayna dib ugu hanato maqaamkii ay ku laheed caalamka.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*