29th March 2024  admin  Category :

Dagaal ayaa maanta waxa uu ka bilowday magaalada Dhuusamareeb kaas oo u dhaxeeya Ahla Sunna iyo ciidamado taageersan Villa Soomaaliya. Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kalla duwan, wellise ma jiro war rasmi oo ku aadan khasaaraha dhabta ah ee uu sababay dagaalkaas.

Dhinaca kalle waxaa jira dad badan oo isaga barakacaya magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo ka cabsi qaba in khasaaro uu ka soo gaaro dagaalkaas.

Sidoo kalle, gobolka Gedo waxaa isku hor fadhiya ciidanka Jubaland iyo kuwa laga soo abaabulay Villa Soomaaliya ee taageersan qas wadayaasha Farmaajo iyo Kheeyre, waxaana la filayaa in dagaal uu ka qarxi karo deegaanadaas waqti kasta.

Hadaba, dawladda uu hoggaamiyo Maxamed Ca/dulaahi Farmaajo oo laga filayey in dalka ay ku soo dabaasho deganaasho iyo isbeddel waara ayaa waxa ay beddelkeeda dalka ku soo siyaadisay dagaal iyo fawdo, musuqmaasuq, doorasho goboleed lagu shubto, ciidankii dalka oo loo adeegsado danno shaqsi ah iyo caburin loo geeysto dadka fekir ahaan ka soo hor jeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*