19th April 2024  admin  Category :

Yaa qaaday sawirka ugu qurxoonaa, Weriyihii ugu tabinta fiicnaa ,  Hadalkii ugu wanaagsanaa, kaftankii ugu fiicaan, Midnimada Soomaaliya yaa ka hadlay. sawir siyaasadeed kan ugu hadalhaynta badnaan doona kumuu noqon doonaa, yaa kharibay xaflad oo aan ahayn in lagu soo casumo. Yaa mudnaa inay ka hadlaan oo aan MIC lagu soo dhowayn

Sawirkii ugu quxuda badnaa ee  abid   Soomaali isugu  soo baxdo,    oo aan xoog lagu soo saarin banaan baxooda oo iyagu  dareenkooda wadaninimo soo bandhigaya dariiqyada safaf dhaadheer u istaagay  waxay noqdeen reer Garowe, waxay dhacday saaka oo taariikhdu ahayd bisha Jan,26, 2019  waxyna ka  dhacday Barxadda Garowe, Nugaal oo lagu soo dhowaynayey madaxweyne Farmaajo.

Islaan Ciise ayaa ka  soo  jeedyey  xafladda Dardaarankii ugu fiicnaa iyo talooyin waxtar leh

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqday Oday Soomaaliyeed , kaas oo  qirtay khaladKIISII , sida muuqatana   diyaar u ah tanaasul

Madaxweyne Deni, isagu balan qaadyadii ugu badnaa oo uu samayn doono ayuu xafladda ka sheegay

Madaxdii Soomaalida ee dalka Kenya ee xafladda ka soo qayb gashay, ayaa iyagu  waxay aaayeen kuwa ka hadlay midnimada Somaliweyn

Cabdiweli Gaas iyo Lafta Green,  waxay noqdeen kuwii ugu kaftanka Fiicnaa,

Sawirka    siyaasadeed kan ugu quruxda  badnaa ee  xafladda   waa sawirada  labadii madaxweyne ee  hore ee Soomaaliya iyo RW hore ee Soomaaliya oo  ka wada jeeda beesha Soomaaliyeed ee Abgaal oo is wada garab fadhiya iyaga oo ku sugan Garowe

Hadalkii ugu xikmad badnaa waxa ka  jeediyey xafladda  Sayid Axmed Madoobe

Faroole ayaa noqday ninkii laga shalaayey in lagu soo casumo xafladda

General Asad, ayeey ahayd in xafladda lagu casumo oo ah xidig ay reer Puntland aad u wada  jecel yihiin

Warbaahintii ugu beenta badbnaa waa kuwa soo qoray Farmaajo barkacayaal ayaa Garowe   soo dhoweeyey

Weriyihii ugu tabinta fiicnaa, ugna  qiiro badnaa ee  laga daawanayey  caalamka oo dhan marka dadkii qaarkiis ay  u ahayd subax, kuwa kalena   Duhur, inta soo hartayna ay  u ahayd habeen wuxuu ahaa Jaamac Debaraani iyo warbaahintiisa Deberani Media.

ALLSANAAG,COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*