26th April 2024  admin  Category :

Cabdiraxmaan Faroole oo ka faaiidaysanaya Xafladdii  ay  caawa  Soomaali oo dhami isugu timid ayaa halkaaka shheegay    labo Fariimood y , oo ay  labuduba khaldan yihiin oo ay lid ku ah amniha iyo wada jirka Puntland

Faroole ayaa fariinta hore u diray maamulka SNM ee beelaha Isaaq ku midaysan yihiin oo iyagu u yaqaan Faroole  ” Seediga Daacadda ah”, Fariintan uu Faroole beesha Isaaq u diray ayaa sidan ahayd ” Caalamka tusa inaad Tukaraq ka baxdeen laakiinse sii haysta degaanada kale ee Beesha Dhulbahante ee xooga lagu haysto. Beesha Dhulbahhante Tukaraq iyo Ganbadhe waa isugu mid. labadana xoog ayaa lahu haystaa.

Fariinta kale ee uu Faroole xafladdii caleemo saarka ka diray ayuu u diray dawladda Federaalka iyo madaxweyne Farmaajo. Taas oo ahayd in siyaasiyiinta Isaaq la soo xireereen  oo ay u sheegeen in diyaar u yihiin wada hadaladdii u dhaxeeyey Iyaga iyo dawladda Federaalka. Faroole mar kale ayuu guud ahaan Sool iyo Sanaag siiyey  maamulka SNM. Haddii uu raali Faroole ka yahay gobolka Sool la sii haysto. Yaa wada hadlaya?

Ugu danbayntii in Faroole yahay nin aan  xaafadaha ka dhamaan oo dib u socod ah waxa xafladdii caawa ka sheegay madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ” Noqon Maayo Madaxwayne Laga Guuleystay (Faroole) Oo Kursiga Idinkula Fadhiista ee Oday Reer Puntland Oo idinla Taliya Noqonayaa”

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*