26th April 2024  admin  Category :

Cali Buureed ma waxa uu doonayaa inuu Xad dhex dhigo beesha Warsangeli.

Intaan maqaalkan u guda gelin, marka hore bulshada intaan aqoon Cali Buureed aan in yar uga iftiimiyo.

Cali Buureed, wuxuu ku soo caan baxay dagaalkii Majayahan, wuxuuna xilligaas gacan yare u ahaa abtigiis Cade Muuse Allah ha u naxariistee

Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Carmo shilimada yar siistay

Wuxuu ka noqday Wasiir Puntland iyo Somaliland . Beesha Warsangeli xilkan kaligiis ayaa gaar u leh

Wuxuu Barkado uga qoday dhowaan una magaaleeyey abtiyadiis meel Dhahar Bariga ka xigta oo horay beesha Dubeys ee Warsangeli ay u degi jireen Qarniyaal

Waa ninkii Siilaanyo Badda soo mariyey oo Lasqoray keenay, isaga oo waqtigaas ahaa wasiirka kaluumaysiga maamulkaas ayuu beesha Habaryoonis mashruuc kaluumaysi ah uga sameeyey magaalada Waqdariya oo hadda dhiigu ku daadanayo.

Image may contain: 2 people, including Maxamuud Ciyoon

Dagaalka Galgala ka socda 10ka sano marna kama mid noqon dhinaca Puntland.

Hadaba maanta Cali Buureed muxuu ka samaynayaa Gobolka Sanaag?

Cali Buureed maalmahan isaga oo maleeshiyaad wata ayuu joogaa degaano hoos yimaada demada Badhan ee gobolka Sanaag, isaga oo kala qaybinaya beesha Warsangeli, si uu ugu gogol xaaro ganacsato ka soo jeeda Beelo kale si ay halkaa Beero uga samaystaan. Degaano beeshu wada deganaayeen ayuu ku doodayaa in beesha Warsangeli kala leeyihiin oo qaarkood ka guuraan

Ugu danbayntii, Cali Buureed oo aan hal maalin ka hadlin Majayahan, Dhalan, Galgala, Ceelaayo, Labo Carmo oo beelaha Cismaan Maxamuud iyo Cali saleebaan ka kala samausteen degaano hoos yimaada Ceel Daahir iyo Dhahar ayaa maanta doonayo inuu dhiig ku daadiyo degaano hoos yimaada degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo labo wiil oo reer Maakhir ah ay ku wada dhiman doonaan, isaga u adeegaya abtiyadiis uu uu horay u gacan geliyey degaankii uu awoowayaashiis ka dhaxlay .

Cali Buureed, waqtiyaddii uu ka noqday wasiirada labada maamula ee sida khaldan u isticmaalay haba yaraatee hal mashruuc ma keenin degaanka . Laakiinse waxa dhacday maalintii uu la socday Siilaanyo ee uu yimid Laasqoray in Riiga Ceelku jabnaa, Ninkii Riiga ceelka hayey ayaa u sii dhiibay Cali Buureed Daynamaddii ceelka si Hargaysa loogu soo farsameeyo. Muddo ayaa laga sugayey inuu soo sameeyo , waa laga samray markii danbe , mid kale ayaa ceelkii loo soo gaday ama loo soo iibiyey

https://allsanaag.com/dhahar-iyo-berbera-ma-isa-soo-gaaraan/

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*