6th December 2021  admin  Category :

¡¡¡Wuxuu Geed Ku Meeraba Cali Khaliif Siilaanyo Maw Galay¡¡¡”Abdullahi Spanish”

Teer iyo bilowgii ilbaxnimada beni-aadanka, waxa jirey dad dadaal ugu jirey in ay gaadhaan ama yeeshaan awood ay shacabka iyagu say rabaan ugu maamushaan. Laakiin intii ka horraysey qarnigii 20nad waxa inta yar oo danaha gaarka ah lihi ku dadaalijireen in ay shacabweynaha ay dhiiga ka miirtaan waxa ay rabaan ku ogolaysiiyaan oo ku kexeeyaan feedh iyo faralaab, ul, seef, hub dhaca, mukhadaraad iwm. Marka waagii hore siyaabahaas kala duwan ayaa loogu talinjirey umadaha raciyadda ah ee dadka yari dhidikooda iyo dhiigooda ku nool yahay.

Hadaba, inkasta oo weli meelo badan oo aduunka ka mida qaabkaa duugoobey shacabka loo adeegsado. Qaybta la sheego in ay dhanka teknoolajiyada ku horrayso, dhiigmiirasho maldahan ayaa guud ahaan lagu bedeley feedhkii iyo faralaabkii. Taa waxa caynaanka u haya oo taladooda lagu dhaqmaa, dad gaara oo ku takhasusa habdhaqanka iyo fekerka beni-aadanka. Ujeedada ugu weyn oo laga leeyahay oo khubaro gaar u ah maamulada aduunku ugala tashadaan arrimahan, waa in shacabka laga dhigo awr hayin ah oo kale ama sida bir la kululeeyey in maskaxdooda laga dhigo ka dibna dhankii la raboba loo laabo.

Marka legdinta ugu weyn oo maanta aduunka ka jirtaa, waxay u dhexaysaa in yar oo rabta sida dulinka in ay jiifka ku dheregto iyo shacab weynaha oo ay ku dadaalayaan in ay sidii awr hayina ugu xidhiidhsanaadaan, kii didmo ama diidmo laga dareemona xoog iyo xeeladba lagu laylyo oo biya madaadshe laga dhigo.

Dadka ku takhasusay oo habeen iyo maalin ku foogan maskax ka dagidda shacabka “Mass Manipulation”, waxay tabahoodii bedeleen bilowgii dagaalkii labaa ee aduunka “ World War II”. Xilligii daandaansiga iyo abaabulka dagaalka aan laysu caddaysan lagu jirey. Casharka ugu horreeya oo lagu ogaadey in beni-aadanka laftiisa sida xoolaha loo kaxayn karo, waxa laga bartay shacabka dalka Jarmalka. Markii la arkay sidii Adolf Hitler shacabkaa maskaxda uga dagay oo wuxuu doonaba ku shubtay, siduu doonana ka yeelay. Taa markay arkeen khubarada maskax ka dagiddu, gaar ahaan kuwa wadanka “United Kingdom” oo uu hormuud ka ahaa “Tavistock institute”, baa waxa u cadaatay in beni aadanka iyaga oo aan dareemin maskaxda laga dagi karo, isla markana iyaga oo weliba faraxsan oo raali ku ah in wax walba laga dhamaysan karo, meeshii la doonana loo jeedin karo.

Waxa markaa la bilaabay in la baadho oo laga baaraan dego tabihii shacabka aduunka inta uu tiro le’eg yahay gurgurshaa aan haddii guradiisa waraabe ka ciyona didin looga dhigi lahaa, sidaana wixii la raboba looga fushado.

 

Run ahaantii ma rabo in aan ka hadlo ama tafaasiil halkan kaga bixiyo, laakiin waxan haddii Alle idmo xusayaa oo keliya sideed tabood oo ka mida kuwa aadka u hirgalay oo shacabka lagu dago. Mid kastana waxan ku dadaalayaa in aan nuxurkeeda oo aad u kooban dhawr sadar ku soo ururiyo.

  • – Hodado iyo maaweelo ku mashquulin The strategy of distraction”.

Waxa indhaha shacabka laga jeediyaa waxyaalaha muhiimka ah ama dantooda dhabta ah, waxana lagu waalaa war aan macne lahayn oo sida daadka loogu soo daayo oo aan kal go’ lahayn si aanay waqti ay ku fekeraan u helin.

 

  • – Abuur dhibaato, xal degdegana keen, Problem-Reaction-Solution”.

Dhibaato ayaa loo abuurayaa shacabka, dareenka ay ka muujiyaan baa la eegayaa, ka dibna xal markii dhibka la abuurayey lagu sii talo galay ayaa jeebka laga soo saaraa. Waxan lagu kasbanayaa kalsoonida shacabka oo masuuliintii waxa loo arkayaa in yihiin dad danta u taagan oo aan hal seegayn e indhahoodu u soo jeedaan shacabku marka uu hurdo.

 

  • Xiirriin qabow iyo xooga xoogaa,the gradual strategy.

Tan waxa logu ogolaysiiyaa shacabka wax aanu aqbali karin, waa la qaybiyaa oo muddo dhawr sano ah ayaa in yarba mar la laqsiiyaa. Bal dib u eega, hoggaankii khaatumo in ay Hargaysa ku socdaan inta jeer oo kala dambeeya oo ay idiin sheegeen. Waxase ka horraysey jidadkii kale oo dhan in ay marka hore soo xidheen.

 

  • Xanuun kasta ha la haadee waa daruuri, “the strategy of deferring”.

Waxa la ogaadey in beni-aadanku wax xun oo iman doona si hawl yar u aqbalo maadaama uusan markaa taagnayn, caadona u leeyahay in uu isku qanciyo laga yabee in intaa wax isbedelaan.

 

  • Shacabka oo sida carruurta loola dhaqmo, “go to the public as a little child”.

Waxa la ogaadey in haddii shacabka sida carruurta loola hadlo oo in muddo ah sidaa lagu wado uu marka dambe sida carruurta maskax ahaan noqonayo oo “critical sense” ku ka lumayo.

 

  • In maskaxda iyo ka fiirsashada caadifad lagu bedelo use of the emotional side more than the reflection”.

Caadifadda iyo caqligu isku jid ma maraan, wadaadada kiiniisadda masiixiga ayaa waxa laga sheegaa in ay caado u leeyihiin, markay arkaan qof caqligiisu shaqanayo oo suaalo macquul ah soo jeedinaya, in ay yiraahdaan: nalka maskaxdaada bakhtii oo aniga i dabagal. Tabtan ujeedadeeduna waa sidaa.

 

  • In shacabka lagu dhiiri geliyo in tayo xumada iyo cawaanimadu caadi yihiin, to encourage the public to be complacent with mediocrity”.

Tabtan waxa dadka lagu tusaa in dadnimo xumada, aqoondarrada iyo akhlaaqxumadu caadi yihiin oo ay waqtiga lagu jiro moodadu sidaa tahay.  Taaso oo dhalisa in qofkii cawaanka ahaa oo loo cimaamaday uusan cidna ka leexan.

 

  • in shacabka la laqsiiyo kiniin la yiraahdo dembiga adaa iska leh, “self-blame strengthen”.

Tabtani waxay ku soo ururaysaa in shacabka laga dhaadhicyo oo lagu qanciyo in wax kasta oo ku yimaada iyo dhibka kasta oo ay qabaan ama la kulmaan ay iyagu ka masuul yiihiin oo doqoniinadooda, dadaaldarradooda iyo karti la’aantoodu ay waxa haysta sabab u yihiin.

 

Gebagebo

 

Marka si guud loo eego tabuhu aad bay u fara badan yihiin, laakiin waxan intan uga soo qaaday in aad xasuustiina dib u baadhaan oo sideedaa tabood inta lixdii sano ee u dambeeyey laydin kula dhaqamy aad ka dhex aragtaan. Sawirkuna waa iga farrin, war intaa ka badanse ka bixin maayo, “a picture is worth a thousand words”.

 

Waxan ku xidhayaa, ninka soo dhaaranayaa, cidda loo soo dhaaranayaana ay cadahay (ciidanka Buuhoodle iyo guud ahaan beesha SSC), wuxu i xasuusiyey arrin aniga oo yar oo arday ah miyi igu soo martay: aniga oo abtigay la socda ayaanu waxanu nimi meel kaam ah oo is nidhi shaah ka cabba. Geedka niman baa turub ku ciyaaraya, abtigayna nimankii turubka cayaayrayey buu isdultagay. Turubkii ayaa qolo laga badiyey. Nin ka mida ayaa abtigay ku yiri war maxaad turubka nooga sheegaysaa. Abtigay wuxu ugu jawaabey war anigu waxba kaama sheegine nacnacda nagala aamu. Ninkii wuxu yiri: ina hebelow bal car mar dambe iga sheeg turubka. Abtigay ninka waa ka soo horjeedey e, inta soo wareegey buu dhirbaaxo dhulka kaga gooyey. Nimankii isgale oo markiiba la kala qabey. Markaanu meeshii ka tagnay baan idhi abti maxaad ninka ku dishey? Wuxu iigu jawaabey nin haduu kuu hanjebo ha sugin in uu ku dilo.

 

Dr. Abdullahi Hassan Mohamud  (Abdullahi Spanish).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*