27th July 2024  admin  Category :

Safarka ugu horeeya ee madaxweyne Farmaajo iyo meesha ugu  haboon  Safarkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya ee dhowaan la doortay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo xukunka qabtay Soomaaliya oo ay ka jirto abaar aad u xun iyo Biyo La’aan, ayaa hadana  waxa jira degaano  ka mid ah Soomaaliya, Puntland gobolka Bari oo ay roobab ka da’een.

Roobkaas ka da’ay gobolka Bari,  ayaa waxa u soo hayaamay reer Guuraagii Gobolada Awdal.  waqooyi galbeed, Togdheer, Sanaag, Sool, Bari, Nugaal iyo Mudug, oo halkaa ka helay daaqsin, biyo iyo soo dhowayn fiican oo ay Soomaalinimo ka jirto oo halkaa loogu soo dhoweeyey.

Sidaas awgeed madaxweyne Farmaajo degaanka ugu fiican oo Soomaali oo dhibaataysan oo hadana wada midaysan oo Soomaalinimo ka muuqataa  ay ku wada nool yihiin ama  wada  joogaan waa bariga baadiyaha gobolka Bari. Waana degaanka  ugu fiican uu madaxweynhu safarkiisa ugu horeeya    ku tegi karo. sababtoo ah safarkiisa  looma arkayo mid Urur, xulafaysi, diimeed, qabyaalad. Laaakiinse waxa loo arkayaa Calaamad ka mid ah calaamadihii lagu doortay ee Soomaalinimada iyo Dad jacaylka.

Arinta labaad oo mudan in madaxweyne Farmaajo safarkiisa ugu  horeeya ku tago baadiyaha gobolka Bari,  waa wanaagii ay sameeyeen  dadkii Soomaaliyeed ee loogu martida ahaa Gobolka Bari  iyaga oo xeerinaya oo ka dhabeeyey  Islamnimo, Soomaalinimo, wada jir iyo dul qaadkii  ay la  qaybsadeen walaalahooda Soomaaliyeed  intii yarayd oo kheyraadka ahayd oo  ay haysteen . Wanaag iyo dhiira gelin ka fiican ma jirto oo bulshadaa Soomaaliyeed loogu abaal gudo oo ka Fiican   Madaxweynaha Soomaaliyeed Maxamed cabdulaahi farmaajo  oo ku yiraahda ” Waad ku mahadsan tihiin wanaagii aad samayseen , Soomaalida kalena Tusaale fiican ayaad u tihiin. Aniguna taageero ayaan idiin muujinayaa

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*