26th July 2024  admin  Category :

Khudbaddii, Socdaalkii, halku dhegii uu Xasan Culusoow uu  ka soo kaban kari  waayey

Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow oo markii xilka loo dhaariyey,  ay la taliyaal u noqdeen Rag aan khibrad badan u lahayn siyaasadda iyo beelaha Soomaaliyeed , ayaa waxay kula taliyeen  dhowr arimood oo fashiliyey  maamulkiisa, uuna ka soo kaban kari waayey afartii Sano oo uu xika hayey

La taliyaashii madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kula taliyey  Madaxweynihii cusbaa ee waqtigaas xilka qabtay inuu hal ku dheg ka dhigto, SOOMAALIYA KU MEEL GAARkII WAA KA BAXDAY,  taas oo ay macnaheedu ahayd  anaga maahee cid kale kama hadli karto arimaha  Soomaaliya , madaxda maamul goboleedyada haday hadlaana waxba ka dhegaysan mayno. Waana sababtii keentay in maadaxweynaha iyo Ra’isawasaarayaashii uu soo xushay ay isku dhacaan. Waa sababtii madaxweyne Xasan uga war wareegay inuu Puntland safar ku tego markii uu xilka qabtay

La taliyaashii madaxweynah ayaa waqtigii uu xilka uu qabtay waxay kula taliyeen inuu safarka u horeeya, kan labaad iyo kan sadexaad uu ku tago Baydhabo Baledweyn, Jowhar iyo Muqdisho;

La taliyaashii madaxweynah labo bilood ka dib markuu xilka qabtay,  oo ahayd bishii November,  waxay kula taliyaan in doorasho ka dhacday waqtigaas maamulka Somaliland oo ahayd gole degaan inuu u hambalyeeyo.  Madaxweyne Xasan waa qaatay taladii la taliyaashiisa Waana  u hambalyeeyeyo, isala  maalintaa dagaal ayaa ka socday gobolka Cayn.Madaxweynuhu kama hadlin umana tacsiyadeen dadkii halkaa logu dilay ilaalinta midnimada Soomaaliya

La taliyaasha madaxweynaha waxay shaki geliyeen dastuurka lagu soo doortay madaxweynaha markii la doortay , waxayna bilaabeen inay yiraahdaan Soomaaliya federaalak ay haystao ma kan Maraykankaa ma kan Canadaa mise waa kan Jarmalka. Ujeedaduna waxay ahayd inay ka hortagaan maamul u samayntii Jubbaland. Hal didaysaa Geed ay ku xogato ma wayso

Ugu danbayntii Khudbaddii uu madaxweyne Xasan Culusoow wiiqday, uuna ka soo kaban kari waayey oo in badan oo Soomaalida ka mid ahna ay mucaaradkII ugu badnaa ugu  noqdeen ayaa waxay ahayd ” Reer Hiiraan maamul iyagu leeyihiin ha samaysteen Reer Jubbalandna anagaa ayaa  maamul u samaynanayna.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*