29th March 2024  admin  Category :

Tobon qof ayaa Mindi lagu dilay Canada, halka 15 lagu dhaawacay

Wararka ka imanaya dalka Canada ayaa sheegaya in gobolka Saskatchewan ay ka dhaceen laba weerar oo loo adeegsaday toorray ama mindi, waxaana dhintay illaa 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 15 qof oo kale, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay baadigoobayaan laba qof oo walaalo ah oo loogu tuhunsan yahay inay fuliyeen weeraradan.

Rhonda Blackmore, oo ah Kaaliyaha Guddoomiyaha gobolka Saskatchewan, ayaa sheegtay in dhibanayaasha qaarkood ay u muuqdaan inay ahaayeen bartilmaameed si gaara loo beegsaday halka qaarkalena loo weeraray si aan kala sooc lahayn.

Waxay sheegtay inay jiraan 13 goobood oo faldembiyeedkani ka dhacay oo laga helay dadka dhintay ama kuwa dhaawacmay. Eedeysanayaasha ayay ku boorisay inay isa soo dhiibaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*