26th April 2024  admin  Category :

Maxkamadda Sare ee Kenya oo taageertay guushii William Ruto


Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa taageertay natiijada doorashadii uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Kenya, taas oo ay ku sheegeen in William Ruto ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya.

Maxkamadda ayaa diiday dooddii Ra’isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto.

“Tani waa go’aan loo dhan yahay. Codsiyadii kale waa la laalay, taas awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa jawaab-celin in Ruto yahay
madaxweynaha la doortay,” ayay tiri guddoomiyaha maxkamadda sare Martha Koome.

Go’aankan ayaa soo afjaray hubanti la’aan siyaasadeed oo toddobaadyo ka jiray Kenya, waxayna uu dhabarjab ku noqotay musharraxa mucaaradka Raila Odinga.

Warkan oo ah mid degdeg ah wixii kusoo kordha halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*