26th April 2024  admin  Category :

Madaxa Gargaarka ee QM oo booqday magaalada Baydhabo oo xuddun u ah abaaraha ka jira Soomaaliya

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa Soomaaliya ku tegey booqashadiisii ugu horraysay, wuxuuna booqday maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo xuddun u ah abaarta daran ee ka jirta Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo, kaddib markii uu la kulmay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayuu Martin Griffiths wuxuu sheegay inay tahay arrin aan la sawiran karayn in magaaladan Baydhabo ay haatan martigelinayso illaa 750,000 oo barakacayaal ah.

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyey dedaalka ay shacabka reer Baydhabo ugu jiraan inay gacansiiyaan dadka ka soo barakacay abaaraha. Qoraal kooban oo Griffiths uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka booqashadii ka dib, wuxuu sheegay in uu soo arkay carruur aad u daciif ah oo aan xataa woodi karin inay ooyaan tamar darida haysa awgeed iyo hooyooyin ay weli da’doodu aad u yartahay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo dhoweeyey weftiga ka socday Qaramada Midoobay, isagoo sheegay inay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii taageero loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo in gurmad degdeg ah la gaadhsiiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Abaarahan ka jira Soomaaliya ayaa saameeyey illaa 90% oo ka mida dhulka Soomaaliya, waxaana ay barakiciyeen in ka badan 1 million oo qof, halka tirada dadka gargaarka degdegga ah u baahan ee ay abaaruhu saameeyeen ay haatan gaadhayso illaa 7.8 million oo qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*