29th September 2022  admin  Category :

Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF oo ay weheliyaan ciidanka PISF ayaa hawlgal wadajir ah oo qorshaysan ka fuliyey buuralayda Calmadaw, si gaar ah deegaanada ku teedsan ee kala ah Ceel-dibir, Majiyahan, Ceel-kharaar, Dhadhaabo iyo Macag.

Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay xubno ka tirsan Argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo cadawga u fududeeya Sahayda (raashinka), waxaana gacanta ciidanku ku dhigeen gaadiidkii ay adeegsan jireen.

Hawgalladan ka dhanka ah cadawga waa mid ay markasta ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland u fuliyaan, si joogta ah, qorshaysan oo aan wakhti lahayn.

May be an image of 6 people, people standing and mountain
May be an image of 6 people, people standing and mountain

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*