26th April 2024  admin  Category :

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada  Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa manta qaabishay wafdi ka socda waddanka Sweden oo uu hogaaminayo Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb.Per Lindgärde, ooy ku weheliso madaxa Iskaashiga Horumarinta, Ms. Anna Saleem Högberg.

Safiirka ayaa ka warbixiyay mashaariicda horumarinta ee ka socda Soomaaliya ee ay Sweden maal galiso sida maashiircda la xidhiidha: xoojinta adkaysiga bulshada, deegaanka, laqabsiga isbadalka cimilada, Nabadaynta, xaquul insaanka iyo Caafimaadka.

Sidoo kale waxa Wasiirada iyo safiirku ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa qorshayaasha horumarineed ee deegaanka iyo Isbeddelka cimilada, xoojinta xidhiidhka labada wadan ee ilaalinta deegaanka iyo Isbeddelka cimilada, kobcinta awooda wasaarada iyo sidii loo qaadi lahaa talaabooyin saamayn muuqda leh oo wax lagaga qabanayo musiibooyinka Rabaaniga ah iyo abaaraha joogtada noqday.

Dalka Sweden wuxuu ka mid yahay wadamada horyaalka u ah ilaalinta deegaanka, shirkii lagu aas aasay Hay’ada u qaabilsan ilaalinta Deegaanka Qaramada Midoobay (UNEP) waxaa lagu aas aasay dalka Sweden, shirkii deegaanka ee Stockholm 1972 oo hadda laga joogo 50 sano.

Sweden waxay ka mid tahay wadamada Soomaaliya laleh xiriirka qotoda dheer, waxayna Soomaliya ka caawisaa barnaamijyada horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimo. Sidoo kale Soomaaliya waxay ka faiidaysan doontaa khibrada aad ka udheer ee Sweden ay uleedahay Ilaalinta deegaanka iyo Latacaalidda Isbedelka cimilda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*