26th April 2024  admin  Category :

Madaxwynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, ayaa maanta iintaanu dalka ka dhoofin dalka ka hadlay la dagaalanka alshabaab, taasina waxay fursad u ahayd inuu ka hadlo qaraxii maalintii shalay ahayd ka dhacay buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag

Khudbadda madaxweynahu uu uga hadlayey la dagaalanaka alshaabaab ayaa ku socotay Shacabka beesha Hawiye qura iyo degaanadooda siday uga xorayn lahaayeen alshabaabka

Madaxweynu wuxuu soo hadal qaaday dagaalka Macwislayda, maxkamadaha alshabaabku ku leeyihiin Muqdisho iyo nawaaxigeeda , Meelaha alshabaabku dadka ka wacdiyaan, Madaxweynuhu sidoo kale wxuu diray ogaysiis ah in laga fogaado meelaha alshabaabku ka dhow yihiin, s

Laakiine, Madaxweyne Culusoow, wuxuu ku guul darystay inuu tacsi u diro dadkii shalay alshbaabku dilka ugu gaysteen gobolka Sanaag. Sida Hirshabelle iyo gobolka Banaasir looga sifaynayo alshabaabka madaxweyne Culusoow xisaabta uguma jirto inuu la dagaalamo alshabaabka buuraha Calmadow ku dhuumaalaysanaya.

Madaxweyne Culusoow halka uu u digayo shacabka Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir, alshabaabka ka soo carara Koonfurta Soomaaliya waxay si toos ah ugu biirayaan kuwii horay u joogay Buurta Calmadow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*