28th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Tamarta oo la kulmay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya, mudane Xasab Cabdinuur Cabdi, ayaa danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz kala hadlay dardar gelinta heshiisyadii is afgarad ahaa oo ay horey u wada galeen wasaaradaha labada dowladood ee walaalaha ah.

Kulanka labada mas’uul ayaa maanta ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, iyadoo la isla meel dhigay sida wax looga qaban karo biyo yarida ka dhacda dalka xilliyada roobabku yaraadaan.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha kulanka oo la yeeshay danjiraha Turkiga waxaa ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*