26th April 2024  admin  Category :

Shirkii Golaha Wasiirada  Ee Khamiislaha Ahaa Oo si farsamaysan loo baajiyey

Waxaa baaqday shirka Golaha Wasiirada Dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta loo balansanaa in uu qabsoomo, waxaana kulanka maanta loo baajiyay sababo aan la sheegin.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Wasiirada loo diray farriimo, laguna war galiyay in shirkii maanta dib loo dhigay, iyadoo aan la sheegin sababaha dib loogy dhigay shirka oo maanta looga hadli lahaa qodobbo dhowr ah.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa Maanta lagu Ansixin lahaa 15 safiir oo cusub, kuwaasi oo dowladda Soomaaliya u diri doonto waddamada Caalamka ee Dowladdu ku leedahay Safaaradaha.

Shirka Golaha Wasiirada ee khamiislaha ah ayaa waxaaa sidoo kale maanta looga hadli lahaa arrimo kale oo la xariira xaaladda Siyaasadeed ee dalku marayo, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*