29th March 2024  admin  Category :

Wasiirada Hirashabeele iyo Federaalka oo inta Muqdisha wada jooga oo kulmay

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyaan Agaasimaha Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Mohamed, Madaxa xariirka deeqaha ee Bahwadaagta Soomaaliya Mudane Asad Yuusuf, ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle iyo Madaxa Hay’adda NIS- Soomaaliya, kaasoo looga hadlay mashruuca yaraynta fatahaadaha deegaannada Hirshabeelle iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiir Jamaal ayaa ku wareejiyay Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle mashruuca yaraynta fatahaadaha kaas oo la doonayo in xal waara looga gaaro fatahaadaha kusoo noq-noqday magaalada Beledweyne iyo degaanada kale ee maamulkaasi.

Mushruuca ayaa ku kacaya 1.1 Milyan Dollar oo ay Dawladda Norway ugu deeqday Soomaaliya, iyada oo ay fulinayso mashruucaan hay’adda NIS Foundation isla markaana loo daadejiyay Wasaaradda qorsheynta ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa dedaallo ugu jirto sidii Xal Waara looga gaari lahaa fatahaadaha kusoo noq-noqday deegaannada Hirshabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*