29th January 2023  admin  Category :

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Karaash iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa lagusoo dhaweeyay deegaannada Geeso-qabad iyo Xabley oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnaha golaha wasiirada ah ee safarka u wehliya ayaa dadka deegaannada kulan is xog waraysi iyo u kuur-galid ah la qaatay bulshada, isla markaana ka dhagaystay baahiyaha deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa dadweynaha ku booriyay inay kaalintooda ka qaataan hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, isla markaana ilaaliyaan wadajirka iyo xasilloonida deegaanka.Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ballan qaaday in dowladdu wax ka qabanayso baahiyaha ay soo gudbiyeen, waxaana uu faray hay’adaha ay qusayso inay si deg deg uga howl galaan.

May be an image of one or more people, people standing and outdoors
May be an image of 2 people, people standing, outdoors and tree
May be an image of 9 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people sitting, outdoors and tree

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*