26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayay Agaasimaha gurmadka deg degga ah ee xafiis Goboleedka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaahira, kaasi oo uu la wadaagay hormarada laga sameeyay guud ahaan adeeg bixinta Caafimaadka, diyaar garowga iyo ka jawaabista gurmadka deg degga ah si gaar ah Abaaraha, daadadka, cudurada faafa iyo gaarsiinta gurmad Caafimaad oo deg degg ah meelaha laga xoreeyey Khawaarijta.

Wasiirka ayaa tibaaxay dhinaca kale horumarka laga sameeyey habka helidda xogta cudurada faafa, ( IDSRS) iyo hirgelinta  xarunta gurmadka deg degga ee Caafimaadka guud (PHEOC).

Wafdiga ayaa bogaadiyay sida ay Wasaaradda Caafimaadka horumar balaaran uga gaartay arrimaha adeeg bixinta iyo u diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladdaha deg degga ee dhanka Caafimaadka, iyagoo balan qaaday in ay diyaar u yihiin taageeridda Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dadaaladeeda ku aadan diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladda deg degga ah ee Caafimaadka guud ee Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*