26th July 2024  admin  Category :

Waa imisa tirada maxaabiista iyo gaadiidka ay SSC sheegteen inay SNM uga qabsadeen Goojacadde?

Kadib dagaalkii shalay subax ka dhacay xeradii ugu weyneed ee ciidamada Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ku lahaayeen gobolka Sool ee Goojacadde, ayaa ciidamada la wareegay goobta ee SSC waxay sheegteen inay u suurto gashay inay gacanta ku dhigaan maxaabiis iyo gaadiid dagaal.

Magaalada Laascaanood oo muddo siddeed bilood ah bulshadii ku noolayd ay barakac ku yihiin degaanno kala duwan ayaa waxaa laga dareemayay gaadiid badan oo ku soo qulqulaya iyadoo cabsi xoogleh ay ka taagan tahay kumannaan gumucyo ah oo aan qarxin oo dhulka ku duugan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay dagaalkaas ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay.

Madaxweynaha ayaa qirtay in ciidankiisa ay soo gaartay dhibaato.

“Dagaallo badan oo siddeed bilood socday, waa markii ugu horreysay ee ciidanka Somaliland dhibaato intaa le ek soo gaarto,” ayuu yiri.

Dhiigga

Wuxuu sheegay in guddi heer qaran ah oo baarlamaanka iyo wasiirrada ah loo saaray sida ay wax u dhaceen. Wuxuu ku baaqay inaan la niyad-jebin, isagoo shacabka Somaliland ugu baaqay inay is dejiyaan.

“Haddii Alle yiraahdo dhibaatada degdeg bana uga soo waaqsan doonnaa oo uga aargudan doonnaa cadowga ayaan uga waaqsna doonnaa, oo uga aargudan doonaa cadowga is huwanta ah ee dhibaatadaas inaga soo gaartay.” Ayuu yiri madaxweynuhu.

Maxaabiista

Sida ay inoo sheegeen xubno ka tirsan SSC, dagaalka ayay ku qabteen in ka badan 157 askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland oo 40 kamid ah ay yihiin dhaawac, laguna dabiibayo goobaha caafimaadka.

Sidoo kale saaka ayaa sida ay sheegteen waxay maxaabiis cusub ka soo qabteen goobo baaddiye ah. Balse xogtaasi BBC ma xaqiijin karto.

Dhanka Somaliland weli ma xaqiijin tiradan. Mar aan isku daynay inaan la xiriirno wasaaradda gaashaandhigga Somaliland, nooma aysan suurtogelin.

Hase yeeshee, war qoraal ah oo shalay ka soo baxay Wwasaaradda ayaa lagu yiri, “Ciidanka Qaranku waxay ku jiraan dib-isku-habayn iyo diyaargaroow culus oo cadowga lagaga hortagayo.”

Dadka shalay ay SSC sheegeen inay qabteen waxaa kamid ah taliyihii guutada 12 aad ee ciidamada Somaliland oo lagu magacaabo Feysal Bootaan.

Faysal Cabdi Bootaan, waa sarkaal ruugcadaa ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa inta badan hogaaminayay dagaalladii horey uga dhacay aagga Goojacadde, ee dhexmaray Somaliland iyo SSC.

Guutada uu hoggaaminayay ee 12 aad ayaa ahayd ciidamadii ugu badnaa ee ku sugnaa Goojacadde.

Intuu socday dagaalka Laascaanood ayuu mar ku dhaawacmy dagaalka, balse maalin kadib ayuu warbaahinta la hadlay isaga oo sheegaya in wax sidaas u badan aysan soo gaarin.

Faysal
Qoraalka sawirka,Faysal Bootaan

Gaadiidka iyo Hubka

Somaliland

Sida uu noo sheegay Cabdulqaadir Abshir Xaaji Diiriye oo ka mid ah guddiga 45-ta ah ee maamula Guddiga SSC, ilaa 84 gaadiidka dagaalka ah ayay ciidamada ku qabteen dagaalkii Goojacadde ay kula wareegeen.

Xogta uu nala wadaagay ayaa ah sidan:

Shan taangi

Toban Beebbe

Labo PM-21

30 Zikauu

25 Dhashiike (qori dagaal)

Toddoba Zuu-21

Saddex Zuu-37

Hal Madfac oo nuuciisu yahay 130

Hal Madfac oo nuuciisu yahay 105

Iyo saddex gaadiidka xamuulka ah sida ay sheegteen saraakiisha, waxaa kale oo jira gaadiid aan weli la diwaan-gelin.

Wariye madax-bannaan oo ku sugan Laascaanood ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in inta uu isagu indhihiisa ku arkay ay “ka badan tahay” intaas.

Sidee SSC ula wareegeen Goojacadde?

Somaliland

Salaada subax horteed shalay ayaa ciidmada SSC rasaas ka dhex bilaabeen ciidamada Somaliland ee ku sugnaa aagga Maraaga oo magaalada laascaanood dhinaca bari ka xigta, wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood.

Sida uu ii sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka goobta galay oo codsaday inaan magiciisa la shaacin waxaa uu sheegay in qaab xeeladaysan ay ciidanka halkaas ku sugnaa ula dagaalameen.

“Waxay haleeli waayeen in ay fuulaan gaadiidka qoryuhu saaran yihiin, mid waliba halkii ku beegnayd ayuu u dhaqaaqay” ayuu yiri isagoo intaas ku daray in wax ka yar 45 daqiiqo ay kula wareegeen goobtaasi.

Goobtan oo ah halka laga illaaliyo Goojacade oo ah taliska guud ee ciidamada Somaliland oo halkaasi u jira wax ka yar 2KM.

waxaa uu dagaalka goojacade u gudbay markii ay saacadu ahayd 8:45 daqiiqo xilliga Soomaaliya, halkaasi oo ay islamarkiiba la wareegeen.

Saraakiisha SSC ayaa waxay sheegeen in aysan marnaba ku riyoon in ay si fudud ula wareegi doonaan saldhigga Goojacade oo muddo dhowr bilood ah ay gaari waayeen.

Wixii xiligaa ka dambeeyay waxaa abuurmay jahwareer xooggan waxayna ciidamada Somaliland u kala carareen jihooyiin kala duwan.

“Waxaa laga qabsaday Maraaga, Goojacade, Dhuxun, Xargega, Golayeedhay, Canjiid, Adhicadeeye, Samakaab, Yagoori, Wadhake iyo Guumays oo dhamaantood ay saldhiyo ciidan ku lahaayeen” sidaa waxa noo sheegay Cabdilqaadir Abshir Xaaji Diireye oo ka mid ah Golaha 45ta ah ee SSC.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*