7th May 2024  admin  Category :

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaabilay danjiraha dowladda Federaalka Ruushka u qaabilsan dalkeenna Mudane Mikhail Golovanov oo soo gaaray Caasimadda Muqdishu.

Labada mas’uul ayaa  ka wada hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin tartanka aan ugu jirno kurisga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka,  cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer dalkeenna saaran iyo dayn cafinta maadaama Ruushku ka mid yahay dalalka daynta inagu leh

Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday xoojinta iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada Diblumaasiyadda Caalamiga ah, ammaanka iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ka helaan dalka Ruushka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*