16th April 2024  admin  Category :

Wasiirka Caafimaadka oo mar akle kormeertay qeybta karantiilka safmarka COVID 19 ee Isbitaal Banaadir “SAWIRRO

illi Soomaaliya ay qeyb ka noqotay dalalka uu ku soo laba kacleeyay safmarka COVID-19 ayey Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya oo mudooyinkan waday wacyigeln iyo digniin joogto ah oo ku socota bulshada waxay maanta kormeertay qeybta karantiilka COVID-19 ee Isbitaal Banaadir oo ah goobta labaad ee Wasaaradda caafimaadku u diyaarisay in lagu daryeelo dadka uu haleelo cudurka COVID-19.

Wasiirka ayaa indha indheysay qolalka loo diyaariyay in lagula tacaalo Dadka bukaanka ah, waxayna warbixin ka dhageysatay Agaasimaha Isbitaal Banaadir Marwo Fartuun Shariif Maxamed oo xustay inay si weyn ugu diyaar garoobeyn qaabilaadda iyo la tacaalidda Dadka uu ku dhaco safmarka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Soomaaliya Dr Fowsiya Abiirkar Nuur ayaa Dadka Soomaaliyeed ku boorisay inay raacaan habraacyada bahda caafimaadka si ay uga badbaadaan halista cudurkan.

In ka badan Boqol iyo Konton qof ayaa gudaha Soomaaliya ugu geeriyootay safmarka COVID-19, waxaana hadda muuqata inay sii kordhayaan dadka la dhibaatoonaya soo laba-kaclaynta cudurkan oo tirada guud ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ay cagacageeneyso in kabadan shan kun oo qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*