26th July 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Rooble oo furay shirka Guddiga Farsamada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay shirka Guddiga Farsamada ee Qaban qaabada shirka Wadatashiga Qaran oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay maanta magaalada Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha oo habka fogaan aragga uga qeyb galay shirka ayaa guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.

Guddigan oo ka kala socda Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la rajaynayaa inay xal ka gaaraan khilaafka hareeyey shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kaasoo ay ku heshiin waayeen Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamul goboleedyada oo ku aadan shirkan,waxaana shirkan uu yahay mid ay gadaal ka taagan yihiin beesha caalamka oo dooneysa in si degdeg ah xal loogaga gaaro muranka qabasahada doorashada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*