18th April 2024  admin  Category :

Wasiir ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa shaqadii ka fariisiyey Agaasime ka soo jeeda Jubbaland. Labo Cali isma waydiin, ilaa waa wasiir  Muqdisho   jooga  oo aaminsan inaan laga maarmin karin

Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada ee Xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Canshuur Xasan, oo ka soo jeeda beesha Baadi cade, Hawiye  ayaa shaqo joojin ku sameeyay Ku simaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Axmed Xaaji Cabdi, kana soo jeeda Jubbaland ,isagoo magacaabay ku sime cusub.

Warqad ka soo baxday Wasiirka oo ku taariikheysneyd 18-kii bishan, kuna socotay Agaasimaha shaqada laga joojiyay, laguna ogeysiiyay, Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hanti dhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud ayaa waxaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada.

https://allsanaag.com/madaxda-daarood-iyo-awoodooda-muqdisho/

Bal arintan iswaydii Wasiirul dawlayaashan iyo wasiiro ku xigeenada hoos ku qoran iyaga oo Muqdisho ku sugan sidii  wasiirul dawlihii Hawiye wareegto ma soo saari karaan?

Hoos ka akahriso Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru dawlayasha ka soo jeeda Beesha Daarood oo aan haba yaraatee  wasaaradaha ay joogaan aan  waxba  laga waydiin. martina ku ah magaalada Muqdisho   Halka wasiirul dawlaha Hawiye oo Muqdisho joogaa uu isagu  wareegtada wasiirka mid la mid ah uu soo qorayo.

1- Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow, Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Daarood, Bartire.

2- Xildhibaan Cabdinaasir Saciid Muuse, Wasaaradda Amniga Gudaha, Majeerteen, Sawaaqroon.

3- Mukhtaar Mahad Daa’uud, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, OgaadeEN , tala-muge/cabdalle

4- Maxamuud Cabdulqaadir Warsame, Wasaaradda Batroolka iyo macdanta, Mareexaan.

Wasiiru dowlayaasha xukuumada Kheyre ee ka soo jeeda Beesha Daarood 

Xildhibaan , Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasaaradda Maaliyadda, Majeerteen, Cali Saleebaan

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare, Daarood, Harti, Awtable

Xildhibaan Cabdullaahi Bile Nuur, Wasaarada Postada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Daarood, Dishiishe

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*