18th November 2024 admin Category :
Wasiir ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa shaqadii ka fariisiyey Agaasime ka soo jeeda Jubbaland. Labo Cali isma waydiin, ilaa waa wasiir Muqdisho jooga oo aaminsan inaan laga maarmin karin
Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan, oo ka soo jeeda beesha Baadi cade, Hawiye ayaa shaqo joojin ku sameeyay Ku simaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Axmed Xaaji Cabdi, kana soo jeeda Jubbaland ,isagoo magacaabay ku sime cusub.
Warqad ka soo baxday Wasiirka oo ku taariikheysneyd 18-kii bishan, kuna socotay Agaasimaha shaqada laga joojiyay, laguna ogeysiiyay, Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hanti dhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud ayaa waxaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada.
https://allsanaag.com/madaxda-daarood-iyo-awoodooda-muqdisho/
Bal arintan iswaydii Wasiirul dawlayaashan iyo wasiiro ku xigeenada hoos ku qoran iyaga oo Muqdisho ku sugan sidii wasiirul dawlihii Hawiye wareegto ma soo saari karaan?
Hoos ka akahriso Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru dawlayasha ka soo jeeda Beesha Daarood oo aan haba yaraatee wasaaradaha ay joogaan aan waxba laga waydiin. martina ku ah magaalada Muqdisho Halka wasiirul dawlaha Hawiye oo Muqdisho joogaa uu isagu wareegtada wasiirka mid la mid ah uu soo qorayo.
1- Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow, Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Daarood, Bartire.
2- Xildhibaan Cabdinaasir Saciid Muuse, Wasaaradda Amniga Gudaha, Majeerteen, Sawaaqroon.
3- Mukhtaar Mahad Daa’uud, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, OgaadeEN , tala-muge/cabdalle
4- Maxamuud Cabdulqaadir Warsame, Wasaaradda Batroolka iyo macdanta, Mareexaan.
Wasiiru dowlayaasha xukuumada Kheyre ee ka soo jeeda Beesha Daarood
Xildhibaan , Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasaaradda Maaliyadda, Majeerteen, Cali Saleebaan
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare, Daarood, Harti, Awtable
Xildhibaan Cabdullaahi Bile Nuur, Wasaarada Postada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Daarood, Dishiishe