26th April 2024  admin  Category :

Wasiir isaga oo Cunigiisii Xambaarsan ka qayb shir Muuqaal ah

Wasiirka waxbarashada dalka Sierra Leone ayaa kasoo muqday shir muuqaal ah isaga oo canugiisa oo 10 bilood dhalan ku wata dhabarka.

Waxay arrintani hadal heyn ka dhex dhalisay baraha bulshada.

Wasiirkan oo lagu magacaabo Moinina Sengeh wuxuu sheegay in tallaabadan uu uga dan lahaa in ay dhiirrigelin wanaagsan ay u noqoto ragga kale si ay u caawiyaan haweenka.

Wuxuu BBC-da u sheegay in dhif ay tahay in la arko aabe canugiisa ku sita dhabarka.

Mr Sengeh ayaa jikada ku jiray xilliggii uu billaabanayay shirka oo ahaa mid muuqaal ah oo la isticmaalay barta Zoom, kaddibna wuxuu arkay caugiisa oo hurdaya.

Wuxuu go’aansaday inuu dhabarka ku sido isaga oo shirka ku jira.

Waxay arrintani fakar ku reebtay rag badan oo aan ilmahooda qaadi jirin, waxayna tusisay in ay ku dadaali karaan xannaaneyta carruurtooda.

“Waxaan leeyahay saaxiibbo badan oo aan waligood xafaayad ka baddalin cunugooda, carruur badan ayeyna leeyihiin, mana fahansana sida ay arrintaas suurtagal ku tahay,” ayuu yiri.

Ragga qaar ayaa qoraal uu wasiirkan soo dhigay Twitter-ka uga jawaabay iyagoo tusaya dadaalka ay carruurtooda u sameeyaan.

“Wuxuu dhiirogelin u yahay rag badan oo ku nool Sierra Leone iyo guud ahaan qaaradda. Waa nin aanan rumeysneyn in haweenka oo kaliya ah ay saarantahay mas’uuliyadda daryeelka carruurta”, waxaa sidaas sheegtay Nemata Majeks-Walker oo u doodda xuquuqda haweenka dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*