26th July 2024  admin  Category :

Wafti uu hogaaminayo Wasiiru-dawlaha wasaaradda Deegaanka ahna siihayaha Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle oo ay kamidyihiin wasiir kuxigeenka Wasaarada Marwo. Seynab Ismaaciil Maxamed iyo agaasimaha Guud Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” ayaa kormeer kusamaysay howlgalka xakamaynta iyo la dagaalanka Ayaxa oo weli kasoconaya deegaanada Puntland, waxaana ay waftigu soo indha indheeyeen sida ay usocoto shaqada ayaxa iyo doorka bulshada ee la tacaalida xakamaynta Ayaxa.

Deegaanada Puntland waxaa siwayn uga soconaya dadaal xoogan oo ay wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada DPL kuxakamaynayso islamarkaasna kula dagaalamayso ayaxa ku habsaday meelo badan oo kamid ah dhulka Puntland gaar ahaana dhuldaaqsimeedka iyo dhulka beeraha leh waxaana ay wasaaraddu isticmaalaysaa diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gaadiid lagu rakibay Sunta lagula dagaalamo Ayaxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*