26th July 2024  admin  Category :

Dawladda Soomaaliya oo garab siisay Xaquuqal insaanka ay ku tumanayaa Qoyska Reer Al Sacuud

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Canada, waxaana Warxafaadeedka uu u qornaa sidan:-

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.

Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaaf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*