26th July 2024  admin  Category :

Meydadka Labo Nin Oromo ahaa oo laga helay Magaalada Boosaaso

Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Xaafado ka tirsan Magaaladaas laga helay meydadka labada Nin oo u dhashay Qowmiyada Oromada.

Dad ku dhaqan Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkaas laga soo helay Meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha isagoo qoortu jaban tahay, halka midka labaad laga helay Xafiis ay Maamulaan dadka wax tahriibiya.

Labada nin ayaa da’dooda waxaa lagu qiyaasay ilaa 20,sida ay sheegeen Saraakiisha Isbataalka Weyn ee Magalada Boosaaso oo la geeyey meydadka dadkaas u dhashay qowmiyada Oromada ee lagu dilay Magaaladaas.

Dilka dadkaas ayaa ku soo aadaya xilli War ka soo baxay Maamulka gobolka Bari Shacabka gobolkaas looga digay in ay dhibaateeyaan dadka ku dhex nool gaar ahaan kuwa u dhashay qowmiyada Oromada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*