26th July 2024  admin  Category :

Wasaarada Deegaanka oo Biyo Xireen ka bilowday deegaanka Midigale ee Degmada Badhan

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay Biyo-xireen ay wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL kabilaabayso deegaanka Midi-gale oo katirsan degmada Badhan ee gobolka Sanaag, Biyo xireenkan waxaa uu qayb kayahay qorshaha wasaarada Deegaanku ay mudooyinkii lasoo dhaafay ku howlanayd kaas oo lagu kaydinayo biyaha roobka islamarkaasna looga hortagayo Biyo-yarida saamaynta kuyeelatay dhamaan bulshada, Wafti balaaran oo uu hogaaminayey Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL ayaa gaaray deegaanka Midigale halkaas oo ay siwayn ugu soo dhaweeyeen maamulka gobolka Sanaag, Maamulka degmada Badhan iyo boqolaal dadweyne kuwaas oo waftiga kusoo dhaweeyey si heer sare ah iyagoo muujinayey sida ay ugu faraxsanyihiin booqashad waftiga wasaarada Deegaanka iyo dhismaha biyo Xireenkan.

Soo dhawayn kadib waxaa magaalada Midigale lagu qabtay shir balaaran oo kusaabsan sidii loo samayn lahaa biyo Xireenka deegaanka Midigale kaas oo ay ka qaybgaleen qaybaha kaladuwan ee bulshada, Gudoomiyaha gobolka Sanaag, gudoomiyaha degmada Badhan, Maamulka deegaanka Midigale iyo marti sharaf kale oo badan, Wasaarada Deegaanka ayaa shirkaas faahfaahin dheeri ah uga bixisay biyo Xireekan iyo faa’iidada uu u yeelan doono bulshada, Deegaanka, duunyada iyo duurjoogtaba kuwaas oo la qiray inay waxbadan ka badali doonto nolosha dadka deegaanka.

Gudoomiyaha degmada Badhan Mudane, Cabdirisaaq Axmed Ciise, maamulka deegaanka Midigale iyo dadweynaha deegaanka ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin in loo celiyo biyaha Malaayiinka fuusto dhan ee xili-roobaadwalba ka khasaara waxaana ay sheegeen inay ka shaqayn doonaan in biyo Xireenkan lagu guulaysto dhismihiisa ayna garbo u noqon doonaan.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Mudane, Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) ayaa siwayn uga mahadceliyey wasaarada Deegaanku qorshaha ay ku timid deegaanka iyo dhismaha biyo Xireenka Midigale oo uu sheegey inay qaybwayn ka tahay qorshayaasha dawlada Puntland ee ah in la hormariyo kaabayaasha nolosha, Gudoomiyuhu wuxuu bulshada qaybaheeda kaladuwan ka codsaday inay ilaashadaan hantidooda islamarkaasna ay ku dadaalaan in laga faa’iidaysto biyo Xireenka.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed (Maareeye) oo ka hadlay dhagax dhiga Biyoxireenka Midgale ayaa dadweynaha deegaanka uga mahadceliyey soo dhawaynta ay u sameeyeen wuxuuna sheegey in ay dhiirigelin u noqon doonto, Wasiirku wuxuu sheegey in biyo Xireenkan marka la dhameeyo loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshada isagoo sheegey in Biyo Xireenka Midigale uu qayb ka yahay qorshaha wasaarada Deegaanku ay ku doonayso in lagu kaabo nolosha dadweynaha, Maareeye dhanka kale wuxuu dadweynaha deegaanka ugu baaqay inay dib u beertaan dhulka islamarkaasna ay soo celiyaan Beerihii deegaanku caanka ku ahaa kuwaas oo biyo la’aan darteed dadku isaga dhaafeen.

Daawo sawirrada
11

7

14

2(1)

11

10

8

9

6(1)

5

3(1)

12

1(1)

13

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*