2nd May 2024  admin  Category :

Siyaasiyiintii Daarood ee la shaqaysan jiray ururka Damul jadiid ee ka shaqaynaya sidii ay Puntland u br burin lahaayeen ayaa maanta lagu abaal mariyey xilal la doonayo in hoowshii ay ku dhex jireen ay sii labi jibaaraan.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Senator Cabdulaahi Cali Timacade, oo aad uugu daalay Guulwadaynta iyo Cabdulaahi Bidhaan oo wasiir ka ahaan jiray dawladdii Farmaajo, kan soo jeeda beesha Dhulbaante ayaa iyaga la hafray oo sidii ay u daaleen looma qadarin oo waxa loo magcaabay Wasaarad aan jirin ee ah Wasaaradda Tamarta, Halka Cali Xoosh , oo ka mid ahaa Mucaaradkii Caasimadda Puntland gaarka u sheeganayey ee sababay in dadkii aan u dhalan degaankaas ay ka guuraanGarowe, ayaa isaga loo magcaabay wasiirka arimaha gudaha si uu mar kale fowdaddii ahayd Garowe anagaa leh uu halkii uga sii bilaabo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*