26th April 2024  admin  Category :

Warsangeli Waqooyi iyo Warsangeli Koonfuureed waxa ka dhaxeeya wax ka weyn Hartinimada iyo Warsnagelinamada ay wada yihiin.

Halqabsiga guuurowga Laashin Xuseen Weershe, arag fiidiyowga hoose,   oo ah “Warsangeli Caleed” wuxu ku saleysan yahay asalka meesha Warsangeli Abgaal ka soo jeedo oo ah CAL amd CAL-MADOW.

Waayeelka Abgaal Warsangeli waxa hal ku dhig u ah “Awoowgey Warsangeli Caleedoow” oo ah hadal ay ku dhawaaqaan markay asalka odeygooda tilmaamayaa. War

Qabiilka keliya oo cal lagu yaqaan waa Warsnageli Waqooyi. Waxa ku jira abtirsiiyaha Warsangeli Waqooyi Xamar-Gale  oo ah oday dhawr jiil ka tirsada Warsangeli. Wax cad maadaama Warsangeli Waqooyi ahaa reer xeebeed ku caan ah badmarnimada in uu galay magaalada Muqdisho ama Xamar. Ka dib markuu Waqooyi ku soo noqday  loo bixiyey Xamar-Gale.

https://www.allsanaag.com/index.php/43-war-soomaali-ah/3382-garaad-xamar-gale

Xamar-Galnimadii ku jirta Warsnageli Waqooyi abitirkiisu waxay  xoojisay Hartinimadii, Warsnagelinimadii iyo asalnimada Caleed ee oo ku hadhay Warsangeli Abgaal.

Waxa kale oo labada Warsnageli wadaagaan SHIRIB ama SHIRBE. Warsangeli Waqooyi waxay tuntaan SHIRBE, halka Warsnageli Koofuureed tunto SHIRIB.
Walina waxad ku arkaysaa Warsangaliga waqooyi qoysas magacyadoo Shiribka/ Shirbaha la xidhiidhaa sida” Hebel Shirbeeye”.
Inkastoo qaabka iyo hannaanku loo kala ciyaaro isbedelay laakiin weli waxay heystaan asalkii ereyga oo u gaara labadaa Warsangeli Caleed

Si kastaba  taariikhdu ha u dhigto laakiin waxaan aan shaki ku jirin in Hartiga Warsnageli Caleed ee Abgaal iyo Harti Warsangeli Caleed ee Waqooyi ay is leeyihiin oo iska xigaan dad badan. Xigtanimadooda iyo is lahaashohoodu waa mid soo jirtay oo jiri doonta.

Guurow Beesha Warsangeli Caleed Daqiiqada 00:53

oo caddoowga (galabnimaddii)  Duulaanka Dhahar ula caraabaayey
Warsangeli Caleed waxuu ahaa, Nimana La cawryaayo
Caada lagu yiqiin baa jirtoo, Cidina Moogeyne
Carrunkiisu meehuu ku baxo,  Waw cabiranaayey
Caradana waxaa lagu fadhaa, Caarad warameedi
Caafimaad Ilaahow ku sii, Cayimiyaa tahaye


Warsnageli Caleed ee Abgaal waa tan Casha uu ka yimi ee weli goofku uga banaan yahay:
Fiidiyoga hoose ka arag halkan goobta uu Laashin Xuseen Weershe ku halqabsanayo

Laashin Xuseen Weershe marka xigga oo uu Warsangeli Caleed shiribka u tumi doono ama shirbeyn doono waxaan rajeyneynaa in uu Cal iyo Sanaag ay noqon doonto. Abwaan ama laashin Cal oo ah taad fiidiyowga ka aragto waa dhulkaaga

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*