29th March 2024  admin  Category :

Allsanaag: Sheeko ayaa waxeey dhex martay nin reerkiisku ay xannuunsan yihiin iyo nimeey  saaxiib yihiin,  waxaana dhex martay sheekadan.

 Dhuumaal: Dhakafaaroow reerkanagii weey xannuunsanyihiin ee maxaa lagu dabiibi karaa?

Dhakafaar: Dhaqtar ma u geeyseen reerkiina xannuunsanaya?

Dhuumaal: Haa oo illaa Jarmalka iyo Shiinaha ayaan geenay, waxaana laggu sameeyay baaritaan dhameestiran oo xitaa ay ku jiraan maqaarka, dhagaha, indhaha, iyo sanka, marka dhaqaatiirtii waxeey yiraahdeen reerkiina weey caafimaad qabaan.

Dhakafaar: Haddii dhaqaatiirtii adduunka ay sheegeen in reerkiinu ay caafimaad qabaan, waa maxay marka xannuunka aad sheegeeyso iyo wal-walka ku hayaa?

Dhuumaal: Ninyahow Dubai, Jarmalka, Shiinaha, Maleeyshiya, iyo Ruushka intaba waan geenay reerkayaga, marka adigaan caqli kugu tuhmayaa oo aan tallo kuugu imid ee maxaa xal u ah reerkan buka haddana caafimaadka qaba?

Dhakafaar: Reerkiina ma laga baaray xaasidnimada waxa la yiraah?

Dhuumaal: Oo xasadka ma qalab lagu baaraa jirra?

Dhakafaar: May, laakiin waxaa jirta qaab loo baaro oo lagu oggaan karro.

Dhuumaal: Muxuu yahay qaabkaas lagu oggaanayo xasadka reerka uu hayo?

Dhakafaar: Reerkiinu ma yihiin dad iyagu is dabba dhigta oo aan iska dhamaan?

Dhuumaal: Haa astaantaas weey leeyihiin.

Dhakafaar: Reerkiinu ma yihiin ragiisa kuwo madaxa hoos u wadda rogta marka aad shireeysaan, oo marka la kalla taggana ma yihiin kuwo ballaayo afuufa?

Dhuumaal: Nacam taas aad ayeey noogu badantahay, waaba sunta laga socon la’yahay.

Dhakafaar: Reerkiinu ma yihiin reer horrumarka dhexdooda ah aan jecleen iyo in dhulkoodu uu horrumarro?

Dhuumaal: Nacam taas waaba u caado.

Dhakafaar: Reerkiinu ma yihiin kuwo xanta talleefanada aad u badsada oo nux-nux badan?

Dhuumaal: Maba ka saaraan taas xitaa iyagoo musqusha ku jireey nux-nuxleeyaan.

Dhakafaar: Reerkiinu ma yihiin kuwo aqoon leh oo xoogaana illaahay uu u dhiibay, haddana ma yihiin kuwo aan jecleen ineey dadkooda uga faa’iideeyaan waxaas illaahay siiyey, taas badelkeedana ma yihiin kuwo jecel ineey aqoontooda iyo lacagtooda ay la dhintaan?

Dhuumaal: War ninyahow sidee waxaan oo dhan aad ku oggaatay, adigaaba lagaa dhex hadlayaa.

Dhakafaar: Hadaba ninyahow reerkiina waxa hayaa waa xassad gaamuray, oo welliba raacay dhiiga iyo lafaha, marka si ay u caafimaadaan.

– Reerkiinu waa ineey illaahay u toobad keenaan, xasadkana ay meel iska dhigaan;

– Waa ineey joojiyaan reerkiinu isdaba dhigashada ay isadaba dhiganayaan, qofkastaana loo oggolaadaa waxa illaahay uu siiyey, haddii uu rabo qofkiina inuu hello waxa qofkaas la siiyey mid la mid ah amaba ka sii fiican waa inaad illaahay baridaan;

– Shirarka marka reerkiinu ay isugu imanayaan, waa in qofkastaa oo idinka mid ah uu ka hadlaa waxa uu aaminsanyahay, callooshana la isku furaa, waana in la joojiyaa ballo afuufka;

– Reerkiinu aqoonyahankiisa iyo dadka illaahay uu wax siiyeyna waa ineey u oggolaadaan in deegaankooda iyo dadkooda ay wax u qabtaan, waxaa illaahay uu siiyey ee ah cilmi iyo caqlina waa ineeysan la dhiman iyagoon ummadooda wax ugu qaban;

Dhuumaal: War ninyahow aad iyo aad ayaad u mahadsantahay, reerkeeygana waan gaarsiinayaa in dhibta heesataa uu yahay xassad gaamuray oo haddii ay rabaana nolol wannaagsan iyo farxadna ay ku xiran tahay ineey ka foggaadaan xiqdiga iyo xasadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*