30th March 2023  admin  Category :

Moogoow maalintii dheesha iyo dhaanska (dance) ee 18 May ayaa fooda inagu soo haysa

Hoos ka Akhrsi sheeko dhex martay laba nin oo ka soo wada jeeda maamulka SNM oo in mudo ahba habeenka 18 may tumanayey oo xafladaynayey
Mooge: Waryaa Miicaad habeenkii aynu dhididka daadin jirnay ee habeenada kale  inooga duwanaa ayaa fooda inagu soo haya ee adigu xagee tagaysaa oo sanadkan la sheegay inay  shidan tahay  oo la   laysku arki doonaa.
Miicaad: War Moogoow bal inaad waalan tahay, ma xafaladdii  aqoonsiga loogu raadinayey Somaliland ayaad ku sheegtay mid  lagu niikiyo oo dhididka lagu daadiyo Liilalawada lagu ciyaaro.
Mooge: Miicaadoow ma waalni, xafladaaynta aynu diinta ka dhiganay ee 18 May maalintaynu bilownay labaatan jiro ayeeynu ahayn, maantana kontonkii ayeeynu madax la galnay. Dhalinyaradi dhalatay 1991, oo ahayd  maalintii aynu xafladaynta   iyo qoob ku ciyaarka bilownay , waa kuwa maanta soo buux dhaafiya habeenkan18 may meelaha lagu qabanayo oo dhan , ee ma waxaynu sugnaa inayanu kuwii ay sii dhalaaana ay dhaqan xumo iyo fasahaad  inaga dhaxli lahaayen,  kolay aqoonsi ma soo socdee.
Miicaad: War heedhe yaa ku yiri aqoonsi ma helayso Somalilansd
Mooge: Miicadoow aan su’aasha adiga kugu soo celiyee weligaa ma argatay dad  Mujaahidiin sheeganaya oo dheel iyo dhaans (Dance) aqoonsi ku raadinaya oo an ka ahayn beesheena.
Miicaad: Mooge waad ogtahay in Muqdisho iyo Cadan ay sanadkan qasan yihiin markan fursad weyn ayeenu haysnaa oo reer galbeedka inagu aqoonsan doonaan, waa haddi sanadkan la soo wada baxo xafladda 18 May oo la soo wada buux dhaafiyo oo aan loo kala harin
Mooge: Dhiiga Muqdisho iyo Cadan ku daadnaya sidee aqoonsiga inoogu soo dedejinayaa.
Miicaad: Dee inagu waa ka duwanahay oo waxaynu haysnaa Dimoqraadiyad, doorashaan horay u qabsanay oo 99% bulshadu waxay u codeeyeen inaynu dal xor ah nahay
Mooge: Waxaad ka sheekaynayso waxba kama jiraan, waa sheekadii lagu qoray Murqaanka. Reer galbeedka aad sheegaysanaa waa kaaga xog badan yihiin dhulka aad sheegayso iyo beelaha dega iyo sida ay u degan yihiin. Waana riwaayad la  mid ah diyaarada mac malka ah oo aynu ku daawano Hargaysa.
Miicaad: Isaaq waa tashaday, oo waxaan ku tashanay inaan xafladaynu 18 may cid diidan iyo cid ogolba. Jiilba jiilka ka danbeeyana waa u sii gudbinaynaa, Faqash danbena wax isku darsan mayno

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*