26th July 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Puntlanad Cabdrisaaq Axmed Siciid ayaa waraysigii ugu horeeyey ee ay la yeelatay VOA waxaa uu ka warbixinyey shaqooyinka u qabsomay baarlamanka mudadii yareyd ee uu xafiiska joogay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan wixii xeerar ah ee keeni kara daldalool sharci, islamarkaana ay hirgelin doonaan dhisme xarun ee cusub ee baarlamaanku ku shaqeeyo iyo hirgelinta wanaajinta xiriirka dadweynaha iyo baarlamaanka Puntland.

Weriyaha VOA Faduma Yaasiin Jaamac ayaa ugu horreyn weydiisay guddoomiyaha wixii u qabsoomay muddadii koobnayd ee uu xilka hayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*