26th July 2024  admin  Category :

Shirka ay ku baaqeen ururka Jaamacadda Carabta

Shirarka ay ku baaqeen urur-goboleedka IGAD iyo Jaamacadda Carabta ayaa ka mid ah dhacdooyinka la filayo maalmaha soo socda ee ku saabsan arrimaha Geeska Afrika oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka jireen isbeddello badan oo dhanka siyaasadda ah iyo xiisado.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah khilaafkii ka dhashay labo toddobaad ka hor heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo Itoobiya u oggalaanayay in Badda Cas laga siiyo 20 KM oo isku wareeg ah.

Dowladda Soomaaliya oo u aragta Soomaliland qeyb ka mid ah Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska, waxaana ay ku tilmaantay mid aan sharci ahayn.

Saxiixa heshiiska is-afgarad ka dib, hoggaamiyasha gobolka iyo wakiillo ka socda ayaa booqasho iyo wada xaajooda ku tagay qaar ka mid ah dalalka gobolka iyo kuwa ka baxsan.

Qaar ka mid ah ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ayaa ku baaqay shirar looga hadlayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa kale oo shirarkan looga hadli doonaa dagaalka Suudaan.

Shirka IGAD

Madaxda dalalka IGAD
Qoraalka sawirka,Madaxda dalalka IGAD

Madaxweynaha Jabuuti sidoo kalena ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku casuumay dalalka xubnaha ka ah ururka shir aan caadi ahayn oo toddobaadka soo socda ka dhacaya dalka Uganda, kaasoo looga hadlayo colaadda ka taagan Suudaan iyo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warqad qoraal ah oo loo diray dalalka IGAD, ayaa wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti waxay ku sheegtay in shir madaxeedka uu 18-ka Janaayo 2024-ka ka dhici doono dalka Uganda, iyadoo la tashiyo lala sameeyay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay waddamada IGAD oo ku aaddan in ay ka qeyb galayaan shirka.

Kulankaan oo ah mid lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa ku soo aadeysa xilli madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ay si cad u sheegeen in “cidna aysan bixin karin taako ka mid ah dhulka Soomaaliya”.

Dhanka Suudaan, inkastoo IGAD ay ugu baaqday labada hoggaamiye ciidan ee ku lugta leh dagaalka sokeeye ee Suudaan inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal, haddana waxaa la shaaciyay in hoggaamiyaha Suudaan uusan ka qayb-geli doonin kulanka.

Wakaaladda wararka Sudan ee SUNA, ayaa sheegtay in Jenaraal Cabdulfataax Al-Burhaan oo ah taliyaha ciidanka Suudaan uusan ka qayb galeynin shirka, taas beddelkeeda, Jenaraal Maxamed Xamdaan Dagalo, hoggaamiyaha ciidamada gurmadka deg degga ah ee (Dacumu Sariic) ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa X ku shaaciyay inuu ka qeyb gali doono kulanka.

Jenaraal Al Burhaani oo aan ku faraxsanayn joogitaanka Xameti ee shirka loogu yeeray madaxda, waxa uu sheegay in maaddaama colaadda Suudaan ay tahay mid gudaha ah, loo baahan yahay in ururrada gobolka uusan faraha la gelin arrimaha qaranka oo aysan ku xad-gudbin madax-bannaanida Suudaan.Shirka ay ku baaqeen ururka Jaamacadda Carabta

Calamada dalalka xubnaha ka ah Jaamacada Carabta
Qoraalka sawirka,Calamada dalalka xubnaha ka ah Jaamacada Carabta

Jaamacadda Carabta ayaa toddobaadkan ku baaqday shir kale oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa arrinta heshiiska kaas oo la filayo in dhawaan uu dhaco.

Wakaaladaha wararka ee dawladda Masar ee Mena iyo Anadolu, ayaa sheegay in ajandaha Jaamacadda Carabta uu yahay mid ku saabsan cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska “sharci darrada ah” ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland.

Jaamacadda Carabta ay hore u sheegtay inay ka soo horjeeddo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay wada gaareen, isla markaana ay garab istaagi doonaan Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu yiri “ma aqbali doonno” heshiis kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya.

Kamal Rushdi, oo ah afhayeenka Jaamacadda Carabta, ayaa yidhi, “Jaamacadda Carabta waxay si buuxda u taageersan tahay qaraarkii kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ee lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee heshiiska is-afgaradka ah ee ay wada gareen Itoobiya iyo Somaliland”.Booqashada Qaahira

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Eritrea
Qoraalka sawirka,Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Eritrea

Kulmada kale ee la filayo in toddobaadkan ay dhacaan ayaa ah booqashada madaxda Soomaaliya iyo Eritrea ay ku tagi doonaan magaalada Qaahira.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga madaxda ay tagi doonaan Qaahira, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Isaias Afwerki laga yaabo inay u safraan Qaahira maalmaha soo socda ka dib markii uu casuumaad ka helay Madaxweyne C/fataax Al-sisi.

Todobaadkii hore madaxeynaha dalka Masar ayaa shaaciyay in casuumaad uu u fidiyay dhiggiisa Soomaaliya iyo Eretria inay booqasho rasmi ah ku yimaadaan Qaahira.

Maalmo ka hor, markii Wasiirka Arrimaha dibedda ee Masar, Sami Shikuri, oo tagay magaalada Asmara, ayaa Madaxweyne Isaias Afwerki waxa uu casuumaad ka helay Madaxweyne Al-Sisi.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin xilliga ay magaalada Qaahira booqan doonaan madaxweynayaasha Eritrea iyo Soomaaliya iyo in ay si gaar ah u tagi doonaan iyo in kale.

Kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen heshiiskii is-afgaradka ahaa ee sida weyn loo hadal hayay, ayaa waxaa la og yahay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku aaday dalka Eritrea.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*