27th July 2024  admin  Category :

Maxey salka ku haysaa xiisadda ka dhex aloosan shirkadda Hormuud iyo NISA?

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa la geeyay xarumaha dhexe ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo Baanka Salaam kaddib markii ay soo baxday eedeymo midba mid kale u jeedinayay saacadihii la soo dhaafay, sida BBC-da ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Hormuud iyo dad goobjoogayaal ah.

Xubno sare oo ka tirsan shirkadda Hormuud oo BBC-da la hadlay waxaa ay sheegen in shaqaalihii xarumaha lagu amray in ay shaqada joojiyaan, halka macaamiishii adeegyada u doonayay loo diiday in ay gudaha u galaan.

Tallaabadan ayaa imaaneysa saacado un kadib markii ay soo shaac baxday xiisadda ka dhex aloosan Hay’adda NISA iyo shirkadda Hormuud.

Sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday bannaanka xarunta shirkadda Hormuud iyo Salaam Bank, gawarida ciidanka NISA ayaa lagu arkayay ayaga oo taagan suuqa Bakaaraha.

Shirkadda Hormuud ayaa soo saartay qoraal ay ku eedeynayso NISA, inkasta oo NISA iska fogeysay inay xad-gudub kula kacday Hormuud.

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud ayaa sheegtay in ciidamada hay’adda NISA ay weerar ku qaadeen xarun kamid ah kuwa shirkadda ee magaalada Muqdisho.

Hormuud ayaa sheegtay in ciidanka NISA ay maamulkii xarunta ku qasbeen in loo daabaco dhaq-dhaqaaqa EVC Plus, taasi oo ay shirkadda ku doodday inay ka hor imaaneyso shuruucda dalka.

Shirkada isgaarsiinta Hormuud
Qoraalka sawirka,Shirkada isgaarsiinta Hormuud

Qoraal kasoo baxay shirkadda Hormuud ayaa lagu yiri “Maamulka Shirkadda ee Xarunta Tareebiyano oo cuskanaya shuruucda dalka waxa ay saraakiishii u sheegeen in aysan la wadaagi karin xogta macaamiisha, sida uu qabo qodobka 8-aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (Sharci Lr. 003) iyo sidoo kale qodobka 65aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005).”

“Nasiib-darro, ciidankii soo galay xaruntaas waxay geysteen khalkhalgelin iyo ku takrifal awoodeed, waxayna xabsiga dhigeen seddax ka mid ah maamulkii shirkadda, iyaga oo aanan wadanin fasax maxkamadeed” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

Hay’adda NISA ayaa dhankeeda soo saartay bayaan ay uga jawaabeyso qoraalka kasoo baxay shirkadda Hormuud.

NISA ayaa sheegtay in shirkadda ay ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaq-dhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, kadib markii Hormuud ay ka codsatay dhibaatada ay kala kulanto al-Shabaab.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay “in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin Kooxda al -Shabaab.”

“Hay’addu, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada hay’adda.” Ayaa lagu yir qoraal kasoo baxay hay’adda nabada-sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Dhanka NISA, waxa ay sheegtay in shirkadda Hormuud “ay diidday bixinta xogta dad lagu tuhunsayanay in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab” iyadoo loo maray bay yiraahdeen sifo sharci ah arrintaas.

“Hay’addu marnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Astaanka haa'yadda Nisa
Qoraalka sawirka,Astaanka ha’yadda NISA

Dhanka kale xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka fedderalka Soomaaliya oo ka hadlay xiisaddan, ayaa sheegay in ay mooshin ka gudbin doonaan wasaaradda amniga iyo madaxada NISA.

Mas’uulyiinta wasaaradda iyo saraakiisha ayaan sheegin in ay u yeeri doonaan saraakiisha hay’adda, si wax looga waydiiyo falalka lagula kacay xaruumaha shirkadda.

Xildhibaan Cabdalle Maalik, oo ka mid ah xildhibaannadii arrintan ka hadlay ayaa sheegay “in ayaga oo ka duulaya ilaalin dastuurka jamuuriyadda faderaalka Soomaaliya qodobka 10-aad ay mooshin loogu yeerayo saraakiisha hay’ada ay soo diyaarin doonaan.”

Xariirro kala duwan oo aan la sameynay saraakiisha sare sare ee hay’adda NISA, wasarradda amniga iyo shirkadda isgaarsiinta Hormuud nooma suurtagalin inaan ka helno fahfaahin intaas ka badan.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, waxaa jiray weerarro ku socday shirkadda hormuud, waxaa la qarxiyay xarumo dhowr ah oo shirkaddu ku lahayd Muqdisho iyo daafaheeda.

Sidoo kale qaraxyo ayaa lagu xiray gaadiid ay shirkaddu leedahay, ayada oo xaqiijisay in la dilay tiro ka mid ah shaqaalaheeda kuwo kalena la dhawaacay, balse ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*