26th April 2024  admin  Category :

Wararkii ugu dambeeyey shirka wadatashiga qaran ee Muqdisho

Waxaa maalintii saddexaad maanta oo Isniinta galay Shirka Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo sabtidii uga furmay xarunta ciidankii cirka ee Soomaaliya ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta intii socday shirka shir gaar ah la yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in qodob la xiriira maamulka doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi ka imanaya uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu adag ee shirka horyaalla.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*